Xuutiyiinta Reer Yemen Oo Shaaciyey Tallaabooyin Cusub Oo Ay Kaga Aargoosanayaan Weerarrada Sucuudiga
Sanca:Mar,29,2015(SDN/QJ)-Kooxaha Xuutiyiinta Dagaalada ka wada Dalka Yemen, ayaa shaaciyey tallaabooyin horleh oo ay kaga falcelinayaan Weerarrada Diyaaradaha sucuudigu ku wadaan Goobaha ay haystaan.
Kooxahan, ayaa sheegay inay Weerarro isqarxin ah ka fulin doonaan Gudaha waddanka Sucuudiga haddii aanay Diyaaradahhoodu joojinta Duqaynta ah ku hayaan Dhulweynaha Yemen.
Mid ka mid ah saraakiisha sarsare ee jabhada Xuutiyinta Abdelmuncin Al-Qurashi ayaa sheegay in kooxdiisa ay burburin doonto xukuumada Sacudi Carabiya haddii aanay joojin duqeynta ay ku hayso xooggaga Xuutiyiinta.
“Haddii Sacudi Carabiya ay sii wado gardarada ay ku hayso dadka Yemen ee la cadaadiyay [Xuutiyiinta] dagaalyahanadeena waxa ay weeraro nafhurnimo ah ku qaadi doonaan gudaha Sacudi Carabiya saacadaha soo socda,”ayuu u sheegay Quraishi wakaalada wararka ee Fars.
Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga uu horkacayo Sacudi Carabiya waxa ay duqeynayeen xarumo iyo goobo milatari oo ay xuutiyintu lahaayeen, weerarkii ugu dambeeyayna waxa saaka lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca halkaasoo qasaare xoog leh uu ka dhashay.
Dhinaca kale madaxweynaha dalka Yemen Hadi oo ka qeybgalaya kulanka ka soconaya magaalada loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh ayaa ugu baaqay dagaalyahanada Xuutiyiinta inay is dhiibaan oo hubka dhigaan.
Abd-Rabbu Mansour Hadi, oo ka cararay dalka Yemen ayaa sidoo kale waxa uu codsaday in la sii wado duqeynta cirka ah ee ay isbahaystada taageeraysa ku hayaan dalkiisa.
Boqorka Sacudi Carabiya King Salman ayaa ballanqaaday in faragelinta ciidan ee uu ku hayo dalka Yemen sii socon doonto illaa dalka Yemen uu ammaan ka noqonayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com