|

Xuuthiyiinta Yemen oo laga Saaray Meelihii ugu dambeeyay ee ay kaga sugnaayeen Cadan (SAWIRRO)

Cadan,24july,2015(QJ/SDN)-Xoogagga Xuuthiyiinta Yemen ayaa shalay gellinkii dambe laga saaray goobihii ugu dambeeyay ee ay kaga sugnaayeen magaalada Cadan ee Koonfurta dalka Yemen.

 

Dagaal culus ayaa ka dhacay shalay Xaafadda Masheeq ee Cadan, halkaasoo uu ku yaallo Aqalka Madaxtooyada, iyadoo lagu dilay dagaalka 20 ka mid ah xoogag u dagaalamayay Xuuthiyiinta shiicada ah.

 YEMEN-CONFLICT

Ciidamada difaaca Cadan oo ah Maleeshiyaad taageersan Xukuumadda Haddi ee awoodda yar ayaa sheegay inay xoreeyeen Qasriga Madaxtooyada Cadan oo ku yaalla xaafada Masheeq, halkaasoo Xuuthiyiinta ay saldhig ka dhigteen markii ay galeen Magaalada Cadan

 

Sidoo kale, Waxaa isla Shalay dib loo Furay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadan oo Toddobaadkii hore laga saaray Xuuthiyiinta, Waxaana kasoo degtay Garoonka diyaarad ka timid Sucuudiga, Diyaaraddaas oo Sidday Saanad Millatari oo lagu taageerayay Xoogagga Taageersan Xukuumadda Yemen.

 Garoonka_Diyaaradaha_Cadan (2)

Ugu dambeyn, Toddobaadkii hore ayaa waxaa Cadan dib ugu soo laabtay Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Xukuumadda Dibad-joogga ah ee Madaxweyne Haddi, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Sirdoonka Yemen, waxaa sidoo kale la sheegayaa in qaar ka mid ah Xildhibaannada Yemen ay iyaguna kusoo laabteen Magaalada Cadan.

 

Comments are closed