Xusuusta Khudbadihii Madaxweyne Siilaanyo Jeedin Jiray Xilliyadii Mucaaradka Ee Wax U Qabashada Dhallinyarada Iyo Xaalada Maanta
Hargeysa, 21,4,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo ay shacabka Somaliland ku jiraan maalmo murugo leh oo ka dhashay dhallinyarada boqolaalka gaadhaysa ee reer Somaliland ee toddobaad ka hor ku geeriyooday doon ay ku tahriibayeen oo ay ka raaceen dalka Masar, ayaa waxa xusid mudan in la xasuusto weedho u Madaxweyne Siilaanyo ku galay ololaha doorashada oo uu kaga hadlay wax u qabashada dhallinyarada, wakhtigii uu mucaaradka ahaa.
Khudbadaha uu Madaxweyne Siilaanyo, wakhtigaas kaga hadlay oo aad u badnaa, ayaa waxaanu maanta soo qaadanaynaa laba ka mid ah. Mid ka mid ah khudbadahaas wuxuu jeediyay isagoo safar ku joogay dalalka Yurub, waxaanu yidhi “Xisbgia KULMIYE wuxuu u taaganyahay inuu xaadho, wuxuu diyaar u yahay inuu daahfurnaan la yimaado, wuxuu diyaar u yahay inuu dhallinyarada oo ah dadka maanta dalka ugu firfricoon oo mustaqbalka dadka sugaya ah oo ayaan darro markay arkeen markay jaamcadihii ka soo baxeen in wax loo qaban waayay oo carruurtii garoomo ay ku ciyaaraan iyo wax lagu dhiirigeliyo ma leh, waa kuwaas badda isku tuuray ee taran taranka u dhimanaya ee maalin walba badda ka talaabaya.”
Wuxuu Axmed Siilaanyo intaas raaciyay “Xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay inuu xoojiyo tacliinta, in dhallinyaradaas loo sameeyo shaqo.”
Khudbad kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay wakhtigaas uu mucaaradka ahaa magaalada Hargeysa, wuxuu ku sheegayaa in haddii uu talada qabto uu wax u qaban doono dhallinyarada, waxaanu yidhi “Waxan wax ka duwan ayay noqon lahaayeen, dawladaas balaadhan maanu samayneen, dad dadkooda u tudhaya oo Alle ka baqaya oo umadda iyo dadka u naxaya ayaanu samayn lahayn, dhallinyaradaanu wax u qaban lahayn, dadkaanu wax u qaban lahayn, shaqaanu u abuuri lahayn, ictiraaf dhaba ayaanu raadin lahayn, eedaynta iyo ceebayntaanu ka dayn lahayn, lugooyadaanu ka dayn lahayn.”
Hase yeeshee, taas bedelkeed, intii uu Madaxweyne Siilaanyo talada hayay waxa dalka Somaliland ka tahriibay dhallinyaradii ugu badnayd, waxaanay doontan u dambaysay ee ay dhallinyaro badani ku geeriyootay noqonaysaa tiradii ugu badnayd abid ee hal mar tahriib ku wada geeriyoota.
Geeska