Xusuusihii iyo Mahadhooyinkii Maxamed Mooge Liibaan
Waxa uu ahaa macallin, heesaa, laxamayste, halgamaa, waxaana uu ku dhashay magalaada Hargeysa kuna barbaaray yaraantiisii, halkaas oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay, ka hor intii aanu hantiyin dhagaha dadweynaha Soomaaliyeed waxa uu ahaa macallin ka tirsan wasaarada waxbarashada jamhuuriyadii Soomaaliya, wuxuu hoobal soo shaac baxay noqday sanadihii todobaataneeyadii, waxa tasliskii Soomaaliya ka dhisnaan jiray shaqadii ka
fadhiisiyeen sanadkii 1971kii ka dib markii talisku ku eedeeyay in aanu u jajabnayn hawlaha kacaan ku sheega boobay taladii dalka, intii uu dalka gudihiisa joogay waxa uu ku heesi jiray heeso si dadban uga soo hor-jeeday taliskii Mxamed Siyaad Barre.
Todobaataneeyadii ayuu si qarsoodi ah dalka kaga baxay waxaana uu in muddo ah ku noolaa dalka kiiniya iyo dalka ingiriiska, ka dib markii uu naftiisa uga maaro waayay inay ka indho qarsato durbanadii beenta ahaa ee loo tumayay Siyaad Barre.
Dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee Siyaad diidka ahaa (SSDF) ayuu ku biiray, waxaana uu ahaa hoobalkii ugu horeeyay ee qaaday hees cod ah oo si badheedh ah uga soo hor jeedda taliskii Siyaad Barre. Sida heestii ahayd “ lix iyo labaatankii juun ku lednay, kowdii luulyo liibaanay iyo labaatankii October leeleelay”.
Waxa aad ugu beernayd nacaybka taliska mana jirin heeso kacaan ammaan ah oo uu ku heesay muddadii ka badnayd kow iyo labaatanka sannadood ee mugdiga ahaa, xittaa may jrin heeso uu ku duubay idaacadd soomaaliyeed, sababtuna waxay ahayd isagoo u arkayay idaacaddo aan ka wakiil ahayn ama ku hadlayn afka shacbiga soomaaliyeed, sidaas darteed ayaa loo dareemi karaa in heesihiisu ay ku duubban yihiin cajaladaha madaxa banana. Maxamed Mooge waxa uu lahaa cod lab oo legddan oo hanaan farshaxanimo ku dheehantahay iyo luuq aan carjabin oo dhegtu heellanaan, hanqal-taag iyo halhaleel ku dhageysato, Maxamed waxa uu ahaa qof bulshaawi ah oo kaftan badan, wuxuu lahaa hilaad fog iyo hiyi durugsan. Maxamed mooge waxa uu la dhashay hoobalkii kale ee caanka ahaa Axmed Mooge Liibaan.
Hadaba waxaan jecelahay inaan halkan ka xuso goobaha iyo waxyaabaha taariikhiga ah ee loogu magac daray Maxamed Mooge Liibaan, waxaana goobahaasi ka mid ah :- Degmadda Maxamed Mooge oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex Hargeysa, Dusiga sare ee Maxamed Mooge, Dugsiga Hoose/Dhexe ee Maxamed Mooge, Sariibada Maxamed Mooge, Saldhiga Bileyska Maxamed Mooge,Garoonka kubadda cagta ee Maxamed Mooge, Naadiga Akhriska ee Maxamed iyo goobe kale oo aanan hadda halkan ka xusi Karin. Dhammaan goobahaasina
waxay kuwada yaalaan magaalada caasimada ah ee Hargeysa.
Waxa sidoo kale xusid mudan kabankiisii oo carwooyinka magaalada Hargeysa lagu soo bandhigo. Muj.Maxamed Mooge waxa uu ifka kaga tagay wax caruur ah gabadh, gabadhaas oo la yidhaahdo Yaasmiin Maxamed Mooge, Yaasmiin hadda waa marwo reer iyo
caruurba leh.
Iyadoo aynu wada ogsoonahay doorkii uu maxamed mooge kulahaa waxbarashada, ayaa haddana waxa jirta hees ka mid ah heesihiisa kuwa ugu caansan taas oo ka hadlaysa waxbarashada, heestan oo la yidhaahdo waadiga waxbarabashada ayaa ah tan ugu caansan heesaha loo qaado waxbarshada, waxaanan ka garan kartaa barmaaijyada waxbarashada ee ka baxa warbaahinta afka soomaaliga ku hadasha, heestan oo uu ereyadeeda lahaa abwaankii weynaa ee Xassan Sheekh Muumin (AHN), waxaana ereyadeedii ka mid ahaa :
Waxaaan ahay waadiga dugsiyada
Waxaan ahay waanada macalinka
Waagii baryaba ubax laga waraabshoo
Waxaan ku warweynaa,
Wadankiina wax u u barta
Oo xambaara waajibiisa
Wahsan mayno
Waaban mayno
Weec-weecan mayno
Guul wacan
Cadow ka waabtgo
Nolol wanaagsan
Iyo barwaaqo
Haku waaro wadankeenu
Waddankeenu waa
Wadnihii jidhkeena
Waraabinaaya dhiigoo
Waan ku wardiyeynaa.
Maxamed Mooge Liibaan (AHN) waxa uu geeriyooday 4/6/1984kii isagoo ku baxay
gacan ka xaqq daran.
W/Q: Khaalid Ismaaciil Cabdurraxmaan (Khaalid Foodhaadhi)
Hargeysa,Somaliland
Email: Khaalidfoodhaadhi@gmail.com