|

Xusni Mubarik Oo Loo Sheegay Inuu Markale Maxkamad Waajihi Doono

Qahira:April,05,2015(SDN/QJ)-Xusni Mubarik oo ah Madaxweynihii hore ee Waddanka Masar iyo laba wiil oo uu dhalay ayaa lagu ogaysiiyey inay markale maxkamad dalkaas ku taalla kasoo muuqan doonaan, iyadoo lagu eedaynayo xatooyo xoolo umadeed.

sureEedeymahan ayaa waxaa ka mid ah in hantida dowlada ee loogu talogalay in lagu hagaajiyo madaxtooyada dalka Masar in ay u weeciyeen hantidooda gaarka ah.

Mubarak oo 86 sano jir ah ayaa afgambi ka dhashay kacdoonka shacabka sanadkii 2011kii xukunka loogaga tuuray waxana maxkamad ay ku xukuntay bishii May ee sanadkii hore saddex sano oo xadhig ah halka labadiisa wiilna lagu xukumay afar sano oo xadhig ah.

Hase yeeshee maxkamada sare ee Masar ayaa baabi’isay xukunkaas waxana haatan uu Xusni Mubarak lagu daweynayaa isbitaalka Milatariga ee magaalada Qahira.

Taleefishinka dalka Masar ayaa si kooban u sii daayay muuqaalka Mubarak iyo wiilashiis oo ku dhex jira qafis maxkamad ku taal Akadeemiyada Booliska.

Inta badan shacabka masaarida, ayaan jeclayn madaxweynihii hore ee dalkaas, waxase taageere ba’an u ah Hoggaanka cusub ee haatan waddanka hoggaamiya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed