|

Xuskii Shuhadii SNM oo Noqotay Mid aan Gobolada dalka Si isku Maqaam ah looga Xusin

Hargaysa 19.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xuska 30 guurada ka soo wareegtay maalinta loo asteeyay  xuska shuhadada SNM oo ku beegnayd Maalintii Jimcihiiayaa xuskeeda loo riixay Shalay oo Sabti ahayd.

snm6-300x158xuska ugu weyn ee maalinta shuhadada SNM,ayaa  lagu qabtay  Beerta Xorriyadda ee caasimadda Hargeysa Xuska Shuhadada SNM, ayaa la filayay in ay wax iska bedelaan markii uu xukunka dalka ku guulaystay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii ugu  muddada dheeraa ee guddoomiye ka noqda SNM. 17 oktoobar oo ah maalintii ugu dhimashada badnayd SNM ka hor guda galkii gobolada ayaa waxaa maalintaa ka geeriyooday saraakiil millatari oo qaali ku ahayd SNM oo ay ka mid yihiin Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye(Lixle) iyo rag kale oo aad u tiro badan.

Geesta kale maalinta 17, 10,1984 kii waa maalintii ay guul darrada ugu weyn ay SNM gaadhsiisay ciidankii Siyaad Barre gaar ahaan qaybtii 26 aad oo saldhigeedu ahaa Hargeysa,waxaanay maalintan sodon guuradeeda la xusayo SNM dagaalkaa ku gubtay gaadiidkii ugu badnaa ee laga gubo ciidankii Siyaad Barre,iyadoo dhimashada ciidankaana lagu qiyaasay ugu yaraan tiro kor u dhaaftay boqol iyo konton tiro kale oo badanna waa lagaga dhaawaxay.

hadaba waxay is weydiintu tahay SNM Somaliland ayay dhashay ee maxaa dalka oo dhan looga wada xusi waayay maalinta shuhadada SNM ee loogu koobay  deegaanada ay degaan beesha dhexe o kaliyi. Xuska SNM miyaanu ahayn mid mudan in ay bulshada Somaliland oo dhami wada Xusto mise wuxuuu gaar u yahay beesha dhexe oo kaliya.? SNM Dagaal qabiil gaar ah lamay galin waxaanay la dagaalamaysay nidaam maamul oo ka jiray wixii la isku odhan jiray Soomaaliya halganka ay gashayna wuxuu dhalay gooni isu taagga Somaliland hadaba dalka ay soo dhicisay ee ay sabata u nqotay jiritaankiisa miyaanay ahayn in laga wada Xuso.? gobolada iyo deegaamada aan SNM laga xusin  ee dalka ka tirsan isla markaana siyaasiyiinta u dhashay ay  ka mid yihiin  hoggaanka golayaasha Qaranka ma waxa ka aamin san yihiin SNM in reer  gaar ahi ay lahaayeen isla markaana xuskooduna uu gooni ku yahay.? Maxaa uga meel yaalla Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa Xuska iyo weynaynta maalinta SNM ma in ay ku koobnaato inta beesha dhexe degto oo kaliya mise waa maalin Qaran.? ugu dambayn abaalka Shuhadada SNM ka weyn wax beel kaliyi ay xusto waxaanay shuhadadu u dhinteen,u naafooben una curyaameen waa soo dhicinta qaranka Somaliland ee nabada ah waxaana keenay in nabad lagu wada noolaado oo lagu wada raaxaystaa waa dhiigooda ay u quudheen in ay u daadiyaan soo dhicinta dhulkooda hooyo.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed