|

Xuskii sanad-guurada xisbiga (Liberal Democratic party) iyo arimaha Somaalida UK oo lagu soo qaaday

 

London 07Jul13(SDN)Waxa manta lagu qabtay xaruunta westminister sanad-gurihii 25 ee ka soo wareegay asaaskii ururka  (liberal democrat) ee dalkan UK. Urukan oo qayb ka aha maamul wadaaga labada xisbi ee ka taliya dalkan  ayaa ka unkamay ilmo-galeenka midawgii labadii xisbi ee la kala odhan jiray (liberal party) iyo (social democratic party) ee midoobay 1988.

 

Si kastaba ha ahaate waxaa xusid mudan in axsaabta lagu tilmaamo (liberal)  ee dalkan  UK ay soo jireen in gaadhaysa muddo 129 sano iyagoo loo tiriyo inay lahaayeen wanaaga abuuritaanka iyo hirgalinta  kaalmooyinka bulsheed (social benefits) ee kala duwan kuwaas oo loogu deeqo  dadka aan shaqayn iyo kuwa tamarta daran.

 

Waxaa xafladan ka soo qayb galay xubnooyin kala duwan oo iskugu jiray siyaasiyiin, guurti, xildhibaano iyo marti sharaf badan oo ay kamid ahaayeen Mr Hussein alishaqi  ahna madaxa sanduuqa mashaariicda horumarinta Africa (African Development fund) iyo sidoo kale kale Mr Deepak oo ah madaxa guud ee kooxda DVK group.

 

Madaxa ururkan DVK, Mr Deepak ayaa kala hadlay wasiirka ganacsiga, xirfadaha iyo wax soo saarka Mr Vince Cable arimo kala duwan oo la xidhiidha ganacsi iyo shaqo abuurid, halka Mr Hussein alishaqi la qaadaa- dhigay ku xigeenka ra’isaal wasaaraha Britain Nick Clegg iyo ku xigeenka ururka liberal democrat Simon Hughes arimo badan oo khuseeya dhibaatooyinka iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee dalkan UK.

 

Waxa  sidoo kale  Mr Hussein Al-isaaqi la soo qaaday masuuliyintaas doorka u ka  qaadan karo ururka (liberal democratic) oo qayb ka ah maamulka talada dalkan wax ka qabadka welwelka soo food saaray somaalida UK oo la xidhiidha isbadalka dhawaan dawladu ku dhawaaqday in lagu samayn doono  kaalmo bulsheedka (social benefits) oo Somali badan oo dan yar ahi ku tiirsan yahay,  taas oo saamayn ku yeelan doonta bulsha waynta somaaliyeed ee u nool dibada iyo gudahaba.

 

Madaxda ururka (Liberal democratic) ayaa u sheegay inayna waxba ka hagran doonin wixii karaan kooga aha wax ka qabadka arintan oo aan saamayn kaliya ku lahayn Somaalida balse dhibaato wayn ku keeni karta dad fara badan oo dakhligoogu kooban yahay, waxayna u cadeeyeen Mr Hussein alishaqi inay jecel yihiin  in kulamo danbe ay wada yeeshan sidii ay uga wada hadli lahaayeen arintan iyo guud ahaanba  arimo  badan oo la xidhiidha nolosha dadwaynaha Somaaliyeed ee UK.

GetAttachment (2)GetAttachment (7)(1)

 

 

Comments are closed