|

“Xuskan Maydu Waa kaad Dulmigii Kaga Xorowdeene,”Abwaan C.raxmaan C.Cashuur, Dhegtii Maqashaay ha Dhayalsan, {DHAGAYSO}

Hargaysa 04.May 2015 (SDN) Waxaa Somaliland Guud ahaan ka socda abaabul Xoogan oo ku Wajahan Qaban qaabada Xuska 18 May oo ah Sannad Guuradii 24 ee ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland .

Gabaygan oo uu Curiyay Abwaan C.raxmaan Cumar Cashuur “Baadi Doon” Hal hayskiisuna yahay “Xog-Ogaal” waxa uu hal abuurku si qoto dheer iyo aragti falsafadaysan ugaga hadlayaa dhibtii loo soo maray qaranimada maanta ay Somaliland ku naaloonayso, waxa uu ku dhaliilayaa inta hogaaminta Wadanka haysa Sida uu damiirkoodii u hoosmaray dareenkii mas’uuliyadeed ee ay ku daryeeli lahaayeen Mujaahidiintii laxaadkooda ku waayay Halgankii dib u xoraynta Wadanka oo Tabaalo adduun Maanta Wehel la ah,Dayaca ka Muuqda Agoomihii ay ka tageen Shuhadadii u god gashay xuskan dabaal dagiisa la isu diyaarinayo iyo talo bixinta abwaanka nala dhagayso.

Hadal Iyo Dhamaan Dhegtii Maqashaay Ha Dhayalsan ee Hagaag u dhugo dhudaha Gabaygani.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XOGOGAAL12.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed