|

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka oo hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 25.Nov 2013 (SDN)- Xubno wasiiro ah ayaa  ka qeyb galay xaflad loo sameeyay maalinta caalamiga ah ee joojinta xadgudubyada ka dhanka ah haweenka  taas oo lag qabtay   hoolka hayada shaqaalaha ee magaalada hargaysa.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha BulshadaXafladan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada waxa ugu horeyn ka hadlay wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Md Maxamud Mxmed Barre [ garaad] oo ka waramay tacdiyada loo gaysto haweenka in ay yihiin qaar kasoo hor jeeda  diinta islaamka iyo dhaqanka iyo huruucda dalka u taala, waxaanu intaa ku daray in dalka uu ka bilaabmay olale ka dhan ah tacdiyada lagula kaco haweenka kaas oo socon doona mudo lix iyo toban cisho ah, wasiirku waxa uu intaa raaciyay in ay wasaarad ahaan baaq u dirayaan bulshada  somaliland in laga dheeraado tacdiyada loo gaysto haweenka inkastoo dalkeena aanay ku badnayn wsasiirku waxa uu sheegay mar uu ka hadlaayay   daraasado ay ku sameeyeen tacadiyada loo gaysto haweenka ee dalkeena in ay  ka heleen cisbitaalada dalka 221 kiis oo ah kufsi lagula kacay haween kaas oo ah dhaqan aad u xun  islamrkaa loo baahan yahay in la baabiiyo, maadaama dastuurkeenu sheegayo in la ilaaliyo xuquuqda muwaadinka.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Mawliid Cismaan Cabdilaahi oo ah sarkaal ka socday hayada UNFPA  kaas oo ka waramay dhibaatooyinka ay keenaan gafafka loo gaysto haweenka islamrkaa ay yihiin meel ka dhac loo gaysanayo xuquuqda ay haweenku asaasi ahaan u leeyihiin  kuwaasoo ku keena haweenka dhibanayaasha ah xaalado caafimaad daro isagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin in somaliland ay kala shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Wasiirada diinta iyo awqaafta iyo dhalinayarada ciyaaraha iyo dalxiiska oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka  ay ku keenaan haweenka tacdiyada loo gaysto waxanay bulshada u soo jeediyeen in  ay joojiso  gafafkaas lagula kacyo haweenka maadaama diinteenu ay si weyn u karaamaysay xuquuqda haweenka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed