Xuska 56 guurada ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed oo muqdisho laga xusay
Muqdisho 26.June 2016 (SDN/QJ):- 56 guurada ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, isla markaana gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho,
Munaasabadaa lagu xusayay markii ay calanka laga taagay Gayiga soomaalida ayaa waxa ka soo qeeb galay Madaxweynaha dowalada fadaraalka Soomaaliya mudane Xasan sheekh maxamuud Reysal wasaare ku xigeenka dowalda Soomaaliya mubnaha labada gole ee dowalada Maamula gobalka Banaadir iyo qeebaha kala duwan ee bulsada ku nool magalada Muqdisho.
Munaasabadaas inta ay soconeysay ayaa fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi, waxa ay madashada ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa todobaadka xoriyadda.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyay munaasabadda 26-June, isagoo tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan sidii ay u hanan layaaeen amniga dalka.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeya oo ahaa qaban qaabiyaashi munaasabadan oo ka hadlau goobta ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka shaqeeyaan midnimada Ummadda Soomaaliyeed loona baahan yahay in caloosha laga saaro waxa la is ku qabo niyadana saafi laga dhigo.
MadaxweynahDowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyay 56 guuradii ka soo wareegtay markii gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska waxa uuna intaasi ku daray in calankan dhib laga maray dhiig badana uu u daatay.