Xuska 20 Guurada Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland Barnaamij Gaar ah {DHAGAYSO}
Hargaysa 04.Nov 2013 (SDN)- Waxay ku Beegnayd 3 bishii Nov ee Sannadkii 1993kii Markii dhidibada loo taagay aasaaska Ciidan weynaha Booliska Somaliland kuwaas oo lagala soo dhex baxay Mujaahidiintii Ururkii SNM iyo Shakhsiyaad aqoon durugsan u lahaa Ciidanka Booliska iyo Shaqadiisa,Waxay soo mareen duruufo badan oo mid kastaaba Waayaheeda lahayd .
Haatan waxay taagan yihiin 20 Guuro kadib wakhtigii la aasaasay Munaasibad si weyn loo bilay oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidamadda booliska ee magaaladda Hargaysa, ayaa waxaa ka soo qayb galay taliyaha ciidamadda booliska Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan, taliye ku xigeenka ciidamadda booliska C/raxmaan Liibaan (Fooxle), taliyaha ciidanka qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale, taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha, hogaanadda ciidamadda booliska.
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, masuuliyiin ka socday xafiiska ganacsiga dalka Ethiopia ee magaaladda Hargaysa iyo masuuliyiin kale.
Shabakada Qurbejoog.com Waxay halkan idiinku soo Gudbinaysaa Barnaamijkii dabaal dega 20 Guurada Aasaaska Ciidanka Booliska .
Guji Halkan si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato barnaamijkan gaarka ah
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/BarXuskabooliska3.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com