‘’Xuseen Wasiirkii Hore ee Cadaaladda waa la odhan karaa waa nin dabeecad adag laakiin waa beenaale ninka yidhaa isaga ayaa beenaale ah. Been waxa uga dhaw Muuse Biixi’’Cali Gurey
Hargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Gurey’’ ayaa ka hadlay Shakhsiyada Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo dhawaan Iska Casiley Xilkaas.
Cali Gurey ayaa bartiisa Facebook ku faafiyey in Xuseen Axmed Caydiid uu ka Mid ahaa Foolaadkii Xisbiga Kulmiye iyo Ururkii SNM.
‘’Xuseen Axmed Caydiid tan iyo intii uu ku soo biiray SNM sanadkii 1989kii wuxu ahaan jiray saraakiisha sida wayn u taageerta Axmed Silanyo ee uga hiilisa mucaaridkii ka soo horjeedi jiray.
Wuxu ka mid ahaa shantii xubnood ee saxeexday Diiwangelintii ururka Kulmiye markii ugu horeysay ee la asaasay. Sidii ayuu u garab taagnaa Axmed Silanyo isaga oo gudoomiye Jabhadeed ah iyo isaga oo Gudoomiye xisbi siyaasiya ah iyo isagoo Madaxwayne ahba.
Maanta waxa ay ku kala tegeen dad badani waxa laga yaabaa in aanay si fiican u wada fahmi karin balse waxa laga yaabaa in ay ogaan doonaan ka dib marka uu xidhmo Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Kulmiye.
Xuseen wuxu noqonayaa kii ugu dambeeyay afartii xubnood ee Axmed Silanyo ka ogolaaday inay la saxiixaan Diiwaangelintii Urur Siyaasadeedkii Kulmiye ka dib markii uu ku musanaabay.
Subaxnimadii maalintii ugu dambaysay diiwaangelinta ururada oo ahayd maalintii Kulmiye aanu siiwaangelinay waxanu isugu nimid guriga Axmed Silanyo. Xuseen Axmed Caydiid wuxu ka mid ahaa Gudidii Xasuuqa oo ahayd hawl ka baxsan kana madaxbanaanayd siyaasadda hadana ixtiraam uu u hayay Axmed markuu ka codsaday inu la saxeexo diiwaangelinta Urur Siyaasadeedka wuu diidi kari waayay waxa aanu kulmiye ku sugnaa maalintaasi in mudada diiwaangelintu ay ka xidhanto waxanu ku fakaday saacado yar( ka yar (sedex saacadood) waayo waxay xidhantay 12.00 duhurbimo.
Nasiib darro maantana waxa laga diiday inu xogogaal u noqdo sida loo wado hawlaha Kalfadhiga Golaha Dhexe maadaama aanu ka mid ahayn taageerayaasha Muuse Bixi balse uu taageesan YAHAY Xildhibaan Axmed Kijaandhe. Markaa hadii aan iyo kuwo badan oo kale soo qaato oon idhaahdo Axmed Silanyo nin isagu abaal gala maaha nin guda abaal isaga loo galayna maaha. Markaa wax uu ku dhaamo: ISKA HADHAYE AAKIRONA WAA LAMA HURAANKIIYE ma jirto.
Cali Gurey oo ka Jawaabeyay Hal Celin uga Timid Mid ka Mid ah asxaabta ay Degel wadaaga yihiin oo Beenaale ku sifeeyey Wasiirkii hore ee Cadaalada ayaa ku Tiraabay ‘’Xuseen waa la odhan karaa waa nin dabeecad adag lakiin waa beenaale ninka yidhaa isaga ayaa beenaale ah. Been waxa uga dhaw Muuse Biixi oo isaga oo og shirkii uu la qaatay Madaxwaynuhu wasiirada reerkiisa iyo xubnaha qoyskiisa uu kow ka yahay inanka uu sodoga u yahay ayuu warbaahintana been cad oo qaawan ka sheegayay’’