|

Xuseen Carab Ciise oo isu taagaya xilka Soomaaliya u sareeya iyo muraaro dilaaca beelaha Somaliland diidka

Muqdisho Aug 26,2012(SDN)-Wasiirka wasaarada gaashaandhiga ee Soomaaliya Md Xuseen Carab Ciise oo ka mida xubnaha ugu firfircoon ee ka tirsan gollaha wasiirada Soomaaliya oo isla markaana ka soo jeeda Somaliland ayaa damacsan in uu Madaxweyne u tartamo.

Md Xuseen Carab oo ah siyaasiga qudha ee ka mida dawlada Soomaaliya ee hadana ay si weyn ugu kalsoon yihiin shacabka reer Somaliland ayaa tageero faro badan ka kasbaday xubnaha cusub ee dhawaanta loo dhaariyay baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya Md Xuseen Carab Ciise ayaa noqday siyaasi ku guuleystay in uu si siman ugu wada adeego shacabka reer Soomaaliya iyo Somaliland.

Hore waxa siyaasada Soomaaliya uga qeybqaadan jiray siyaasiyiin Somaliland deyro ka ah oo xilalka ku hela hadalo ka dhan ah Somaliand.

Damaca xilka Madaxweynenimo ee Md Xuseen Carab Ciise ayaa ka cadheysiiyay beelaha ku caanka ahcolaada Somaliland.

Beelahan oo hore ku dhuumaaleysan jiray in ay wadajirka Soomaalida ayaa haatan badheedh uga hor yimi in mudane ka soo jeeda Somaliland uu xilka isu taago,isla markaana taageero weyn arintaa ku helo.

Balse Xildhibaano faro badan oo ka mida baarlamaanka dooranaya madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay garwaaqsan yihiin doorka uu wasiir Xuseen Carab Ciise ka ciyaari karo isu soo dhawaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya oo haatan wadahadal u socdo.

Sidoo kale waxaad mooda in beelaha Soomaalidu ay haatan u kala cadaatay cida wadajirka dhabta ah dooneysa iyo cida afgoobaadsigu ka yahay Soomaalinimada.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed