|

“Xumaantu Qofna Mar Bay Ka Dhacdaa, Baashena Waa Caadayte” Muj. Cali-guray DAAWO

Hargaysa 13.Sep 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo fadhigii shalay ka sameeyay farriin laga soo faray dhinaca Xukuumadda oo uu ugu tallo galay.

cali guraya“Wixii shalay Golaha Wakiilla ka dhacay, eedana lama wadaagayn dhinacabaa lahaa weliba dhinac waa la soo diray oo waa la isticmaalayay, oo kuwo ka xishooday inay waxaas oo kale sameeyaan ayaa lacag isticmaalaya oo odhanaya xumaantaa samee adigu. Maaha markii ugu horaysay isagu waa caadayste , xumaantu qofna mar bay ka dhacdaa qofna waa caadayste, Baashe (Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada) waa caadayste.” Ayuu yidhi Cali Guray

 

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID waxa uu intaas raaciyay “Xage lagu arkay madal uu Guddoomiyihii fadhiyo oo ku xigeenkii isku dayo inuu isagu la wareego xukunkii iyo hoggaamintii madash, imika Faysal (Guddoomiyaha xisbiga UCID) halkanuu fadhiyaa, aniguna ku xigeen baan ahay. Dee kama qaadi karo anigu Faysal Makarafoonka oo haddaan ka cabanayo gaar baan ugu sheegayaa, mida kale Guddoomiye Cirro shalay wuxuu ka hadlay oo keliya sharci, kan kale muu durin sharcigii oo qodobkii uu keenay ma laha waa beentii, sharci kalena ma keeinin farriin uu sida oo ahayd ku qabso Makarafoonka oo qudha cida tidhina waa la garanaya.” Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID

 

 

Comments are closed