|

Xulka Somaliland u matalaya Tartanka Half Marathon-ka ee Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo u duulay Jabuuti

Hargeysa, 28, February 2012 (SDN)- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Cabdi Siciid Faahiye ayaa galabta u duulay dalka Jabuuti.

Ujeedada weftigan ay u tageen dalka Jabuuti ayaa la xidhiidha ka qaybgalka Xulka Somaliland ee tartanka Half Marathon-ka ee Wadamada bariga iyo badhtamaha Afrika oo Jimacaha dambe ka furmi doona magaalada Jabuuti.

Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland waxa xubno ka ah Xulka Somaliland u matali doonaa tartankaas, Xildhibaan Abuubakar oo ka tirsan Golaha Wakiillada, La-taliyaha Wasiirka Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid, Xoghayeyaasha Ciyaaraha Fudud iyo Olympic-kada, Fanaaniin iyo xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Cabdi Siciid Faahiye oo intii aanay ka dhoofin madaarka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay muddada uu ku sugan yahay Dalka Jabuuti inuu la kulmi doono dhigiisa dalkaas, kaasoo sida uu sheegay ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xidhiidhka wax wada qabsi ee u dhexeeya labada dal.

Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku inay tahay markii labaad ee Somaliland ka qaybgasho tartan noocan oo kale ah, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu rajaynayo inay guul kala soo hoydaan.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed