|

Xulka Sanaag oo 3 Gool kaga Dul Talaabsaday Xulka Buuhoodle,Kaadhadhka Cas oo Si Xoogan loo Gurtay iyo Saraar iyo Salal oo barbaro noqday

Hargaysa 11.June (SDN) Xulalka Gobolada Saraar,Salal,Sanaag iyo Buuhoodle ayaa Maanta fooda isku daray Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland  ee Ka Socda Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa Stadium .

Ciyaarta Hore ayaa dhex martay Gobolada Saraar,Salal taas oo ahayd Ciyaar adag oo ay labada Xulba isla dhaafi waayeen inay wax goolal ah kala dhashadaan labadii qaybood ee Ciyaartan ayaa ku dhamaatay Barbar dhac Eber iyo Eber ah,hasa yeeshee Xulka Gobolka Saraar ayaa wata 7 dhibcood halka Xulka Gobolka Salal uu sito 2 dhibcood.

Ciyaarta labaad ayaa dhex martay Xulalka Gobolada Sanaag iyo Buuhoodle , labada Xul  ayaa u Muuqday kuwo is Ceshanaya isla markaana uu Gobol-kastaaba baadi goob ugu jiray Sidii uu ula Iman lahaa Goolal ay Guushu ku raacdo.

Daqiiqadihii hore ee Ciyaarta ayaa Gobolka Sanaag waxaa Goolkoodii 1aad u Saxeexay Ciyaar yahanka Sita Nombarka 10-aad,Hasa Yeeshee Daqiiqado kadib ayaa Xulka Gobolka Buuhoodle ay la Yimaadeen Goolkii barbar dhaca ahaa taas oo uu u dhaliyay Ciyaar yahanka lagu magacaabo Maxamed Somaali.

Markaas kadib ayaa waxaa markale weerar soo qaaday Xulka Gobolka Sanaag waxaana Kubad farsamaysan Shabaqa Goolka Buuhoodle ku hubsaday Ciyaar yahanka lagu Magacaabo Siikaawi .

Qaybtii hore ee Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2 Gool oo ay Ciyaarta ku Hogaaminayaan Xulka Sanaag iyo Hal Gool oo ay la yimaadeen Xulka Gobolka Buuhoodle.

Qaybtii labaad ee Ciyaarta Markii la isugu soo noqday ayaa Waxaa Goolkii Sadexaad ee Ciyaartu ku dhamaatay Waxaa dhaliyay Xulka Gobolka Sanaag Ciyaar yahanka lagu naanayso Axmed Siciid Cawad Siikaawi.

Ciyaartan oo Xamaasad lahayd ayaa Sababtay in Kabtankii Xulka Gobolka Buuhoodle Cabdi Sulub , Gool hayihii Xulkaas oo la Yidhaa Boqole iyo Ciyaar yahanka Axmed Siciid Cawad Siikaawi ee Gobolka Sanaag ka Tirsan inay qaataan Kaadhka Cas,kadib Markii Ciyaartu daqiiqado Hakad ku Yimid Gaar ahaan dabayaaqada Qaybtii labaad ee Ciyaarta,Ciidamada Amaanka ayaa la Tacaalay sidii ay u dejin lahaayeen labada Xul ,Si Kastaba ha ahaatee Guuli laba nin kama wada Firxiso Waxay Xulka Sanaag Garoonka kala Caraabeen 3 Gool iyo Hal Gool oo ay La Yimaadeen Xulka Buuhoodle  .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed