|

“Xulka Hargaysa Waxay Ku Dacwoonayso Iyo Waxay Ku Doodayso,Halka Uu Yaalo Sharcigaasi Iyadaa Keenidoonta.”Dhabeeye DAAWO

Hargeysa 15.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ayaa Markii kowaad ka Hadashay Xulka Gobolka Maroodijeex oo Sheegay in Khalad laga galay Markii ay wada ciyaarayeen Xulka Gobolka Awdal.
Agaasimaha Wasaaradda Dhallinyaradda Iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye waxa uu xusay in hadii Xulku khalad tirsanayo ay haboonayd inay u maraan Sharciga u yaala Xidhiidhka Kubada cagta ee Somaliland.

DSC00194-300x225Dhinaca kale Masuuliyiinta ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex , ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen inaanu xulka gobolka Maroodijeex ka hadhin tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland. Waxay sharci darro ku tilmaameen go’aanka xidhiidhka ciyaaruhu ku sheegay in gobolka Awdal soo baxay Maroodijeexna Hadhay.

Ciyaartii Boorama ku dhexmartay gobolada Awdal iyo Maroodijeex, ayuu buuq hadheeyay kadib markii gobolka Maroodijeex oo qaybtii dambe ee ciyaarta ku hogaaminaya hal gool lagu qabtay Rikoodhe, waxaanu gobolka Maroodijeex caddaalad darro ku sheegay Rikoodhahaasi, waxaana ciyaarta 20 mirir oo ka hadhsanaa u baaqdeen rabshado garoonka hadheeyay.

Comments are closed