Xulka Gebilay oo la Galbaday Koobkii Kubada Kolayga ee Gobolada Somaliland,iyo ka Kubada Cagta oo Dhex maraya Maroodi Jeex iyo Hawd
Hargaysa 21.June (SDN) Xulka Gobolka Gabiley ayaa ku guulaystay tartanka kubadda kollayga ee ciyaaraha goboladda Somaliland ka dib markii ay Xalay ka badiyeen xulka Maroodi-jeex oo ay ciyaartii kama dambaysta ku wada yeesheen garoonka kubadda kollayga ee Tima-cadde ee Magaaladda Hargeysa.
Ciyaartan oo aad u xamaasad badnayd waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada Ciyaaraha, Maaliyadda, Taliyaha Ciidanka Booliska, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha baarlamaanka, Badhasaabadda iyo Maayarka Gabiley, Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda Kollayga Somaliland iyo Boqolaal qof oo ka mid ahaa taageerayaasha labada xul.
Labada xul waxay soo bandhigeen ciyaar fasamadeedu sarayso oo aad u kulul, hase yeeshee waxa ku guulaystay xulka Gobolka Gabiley oo la yimid 58 dhibcood, halka Xulka kubadda kollayga ee Maroodi-jeex ay la yimaadeen 54 Dhibcood, waxaanay noqonaysaa iskoor aad u yar maadaama oo ay afar dhimbcood oo qudha, sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda Kollayga Somaliland Maxamuud Xasan Cabdilaahi Qodax.
Xulka kubadda Kollayga ee gobolka Hargeysa waxay hore ugu guulaysteen dhammaan horyaalnimadda tartanka kubadda kollayga ee ciyaaraha gobolada.
Dhinaca kale, waxa hada Bilaabmaysa ciyaarta kama dambaysta ee tartanka kubadda cagta ee Goboladda iskaga hor iman doona Xulalka Goboladda Maroodi-jeex Iyo Hawd oo markii labaad oo xidhiidh ah iskugu soo baxay ciyaarta kama dambaysta.
Tartankii 2011-kii ee ciyaaraha goboladda ee lagu qabtay Magaaladda Burco waxa xulka Maroodi-jeex ay hal gool iyo Eber kaga badiyeen xulka gobolka Hawd oo xiligaasi ay u ahayd markii u horaysay ee ay ka soo qeyb galaan tartanka Goboladda.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com