Xulka Gabdhaha Kanada ee Xeegada Ayaa Hantiyey Biladda Dahabka Markii Aay 3-2 Ku Karbaasheen Xulka USA(Sochi Olympic Winter Games 2014) By Jaahuur.
Sochi,Russia-20-Feb-2014-(SDN-Ottawa) Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu ula firdhiyeynaa xagaaiyo Sochi iyo ciyaartii kama dambeysta aheyd ee dhexmartey xulka qaranka Kanada Gabdhaha ee xeegada iyo kuwa USA oo ku kala faraxashey biladda dahabka (Sochi 2014 Olympic Winter Games)
Haddaba ciyaaraha xeegada ama Hockey-da ayaa aad looga jecel yahay qaaradda America siiba Waqooyiga America,oo waxaa laga daawanayey ciyaatan manta dhexmartey Kanada iyo USA meel kasta oo aay kamid yihiin Moolalka,Makhaayadaha,xafiisyada shaqaalaha iyo idaacadaha baabuurta.
Akhyaartay haddii aynu u soo noqono ciyaartii aay madaxa isla galeen labada xul waxay ahayd ciyaar la wada sugayey,waayo 2010-kii xulka Gabdhaha Kanada ayaa 2-0 uga guuleystey kuwa USA,markaa xulka USA waxay doonayeeen iney ka aar gutaan.
Ciyaarta qeybteedii hore waxba la iskama dhalin,tii labaad ayaa xulka USA gool keensadeen,haddaba iyada oo laka ciyaaro 3-jeer oo min 20-an daqiiqadood,qeybtii 3-na goolkii 2-aad ayey USA ku masharaxadey intaa maxaa ka dambeeyey?
Isla qeybtii 3-aad oo lagu jiro ayaa xulka Kanada keensdeen Goolkii ugu horeeyey kii 2-na ciyaarta oo ka hadhsan 55-ilbidhiqsi
wakhtigii loogu talagaley ayey kii labaana dhashadeen ciyaartuna waxay ku dhamaatey 2-2.
Wakhtigii deeraadka ee loogu darey (Over Time) oo ahaa 20-an daqiiqo taas oo kii hordhaliyaa biladda qaadanayo,waxaana daqiiqadii 8-aad goolkii qalbi jabka lagu khaarijiyey xulkii USA.
W/qorey Jaahuur
SDN-Ottawa
jjaahuur@hotmail.com