|

Xulka Gabdhaha Germany oo 1-0 Ku Caraabiyey Xulka Sweden(Uefa Women’s Euro 2013 Semi Finals) By Jaahuur.

Gothenburg-Sweden=July-24-2013-qurbejooognews.com-Ottawa-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ula qaxaynaa xaggaa iyo cariga Sweden oo si habsami ah uga socdo koobka horyaalka Yurub ee Dumarka(Uefa Women’s Euro 2013).

Haddaba ciyaarahan oo soo galay Semi Finals,waxaana u soo baxay Germany oo ay foodda isla galeen iyo Dunmark iyo Norway.

Sweden oo koobkan marti galisey ayaa hadalhayntu u badneyd in xulka Sweden ku guuleysandoonaan,bacdamaa gurigooda iyo hawadooda lagu ciyaarayo,,laakiin sidaa umey dhicin.

Akhyaartay xulka Gabdhaha ee Germany oo koobkan difaacanaya iyo xulka Sweden ayaa manta foodda isa galey,ciyaartan oo runtii aad u xiisa badneyd ayaa qeybtii hore ciyaarta waxaa si fiican u maamulanayey xulka Germany una suurta galisey in daqiiqaddii 33-aad goolkii ugu horeeyey dhashadaan waxaana u saxeexdey Marozsan’s.

Qeybtii dambe ee ciyaarta wallow ay xulka Sweden hujuum badan ay qaadeen runtiin xukunka groonka la wareegeen ayaa nasiibdaro wax goolal ah keensan,difaaca xulka Germany ayaa ku noqdey laf duuni qabatey.

W/Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@Hotmail.com

 

 

 

Comments are closed