Xulka Argentina oo Rigoorayaal Minciinsadey & Holland oo Samirkii Looga Bartey Ku Qanacdey(Germany vs Argentina Finals World Cup 2014) By Jaahuur.
Brazil-09-June-2014 (SDN) Asxaabtay qubanaheena ciyaaraha waxaynu ula jahaysaneynaa xagaa iyo magaalada baayac mushtariga caanka ku ah ee Sao Paulo waxaana isku arkay oo foodda isla galey xulka Argentina iyo Netherland (World Cup Semi Finals 2014).
Ciyaartan oo ka dhacdey (Arena Connthians) ayaa ahayd ciyaar aad u xiisaa baadan waxaana ka soo qeybgaley dadweyne iyo taageerayaal kor u dhaafey 65,000.
Haddaba ciyaartan dhexmartey xulka Holland iyo Xulka Argentina ayey kubaddu u badneyd dhexda,labada dhinacna weerarkoodu yaraa taas oo keentey in qeybtii hore ee ciyaarta aan waxba la iska dhaalin.
Waxa kale oo xusid mudan labada tababare ee Van Gaal iyo Sabella oo ku waashey kaca fadhiisi.
Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa iyana wax goolaal ah la isku salaaxin,90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talgaley ayaa labada xulba 0-0 ku kala faataxeysteen.
Sida aay caadadu ahayd waxaa ciyaarta lagu darey 30-daqiiqo,15-kii daqiiqo hore waxba la iskama dhalin,kii labaadna haba sheegin,waxayna iskugu soo biyo shubatey in lagu kala fataxeysto Rigoorayaal,waxaana ku badiyey Argentina.
Saaxiibayaal waa inoo Axadda July 13-iyoMaracana Stadium-Rio de Janeiro haddii Ilaahay ka dhigo.
W/qorey Jaahuur
SDN
jaahuur@qurbejoog.com