Xulalka Saaxil, Awdal Oo Afar Dhamaadka Yimi, Xaysimo & Sanaag Oo Albaabka Ka Baxay Iyo Kulamada Berri Sool Iyo Gabiley
Hargaysa 05. November 2016 (SDN/QJ):- Waxaa maanta si rasmi ah Hargaysa Stadium loogu soo gabagabeeyay wareegii saddexaad ee Group A ee ciyaaraha sideed dhamaadka gobolada Somaliland, waxaana kulanka ay natiijada u soo bixitaanka afar dhamaadka Saaxil iyo Xaysimo ku xidhnayd isaga horyimid xulalka gobolada Sanaag iyo Saaxil.
Xulka gobolka Saaxil ayaa u baahnaa guul qasab ah si ay ugu soo baxaan wareega afar dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland iyaga oo waliba tartan xoogan kula jiray Xaysimo oo kulankan natiijadiisa sugaysay oo lix dhibcood sii lahayd.
Laakiin xulka gobolka Sanaag ayaa wax natiijo uu ku soo baxo kulankan u tartamayn, balse waxay u dagaalamayeen sharafta funaanadooda ee gobolka ay matalayaan iyaga oo hore u soo guuldaraystay kulamadii ay la soo ciyaareen Awdal iyo Xaysimo, sidaa daraadeed kulankan waxaa ku xidhnaa in Xaysimo iyo Saaxil midkood Awdal kula midoobo wareega afar dhamaadka halka sharafta Sanaag ay ku xidhnayd in ay Saaxil garaacdo.
Ciyaarta ayaa markiiba noqotay mid aan la kala cabsan isla markaana waxay noqotay ciyaartii ugu horaysay ee sanadkan goolashii ugu deg dega badnaa ay labada kooxood iska dhaliyeen. Xulka gobolka Saaxil ayaa markiiba u muuqday kuwo dardar fiican ciyaarta ku bilawday.
Xulka gobolka Sanaag ayaa helay goolka furitaanka kadib markii loo dhigay kubbad laaga xorta ah waxaana kubbada qaatay kabtanka Sanaag ee Sikaawi kaas oo darbo cajiib ah si fiican ugu garaacay goolhayaha Saaxil ee Calis Sucuudi kaas oo awoodi waayay inuu wax badbaadin ah sameeyo, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Sanaag hogaanka ciyaarta kula wareegtay.
Xulka gobolka Saaxil ayaa isla markiiba jawaab sax ah ka bixiyay goolka laaga xorta ahaa ee uu Sikaaawi kaga naxsaday waxana markiisa Saaxil goolka barbaraha u saxeexay Nimcaan Torayo kaas oo ciyaarta dib ugu soo celiyay barbaro 1-1 ah. Xamaasada ciyaarta ayaa noqotay mid si deg deg ah cirka isugu shareertay.
Xulka gobolka Saaxil ayaa ku ciyaarayay weerar saddex afle ah waxayna dagaal ugu jireen sidii ay hogaanka ciyaarta ula wareegi lahaayeen, Difaaca xulka gobolka Sanaag ayaa samaynayay qaladaad aad u badan iyada oo weerarka Saaxil uu dhaliil wayn isna ku lahaa in ay iska lumiyeen fursado badan oo goolal lagu dhalin karayay.
Xulka gobolka saaxil ayaa weerar cajiib ah soo qaaday waxayna heleen fursad u muuqatay goolkooda labaad laakiin difaaca Sanaag ayaa kubbada gacanta ku celiyay iyada oo calanwaduhu uu tilmaamay qaladka uu difaaca Sanaag galay, waxaana go’aanka calanwadaha la qaatay garsooraha dhexe ee kulankan Maax kaas oo Saaxil u dhigay rekoodhe.
Laakiin ciyaartoyda gobolka Sanaag ayaa ka cadhooday wuxuuna garsoore Maax uu hakad galiyay ciyaarta iyada oo ciyaartoyda Sanaag ay maamulkooda iyo tababaraha talo ugu laabteen waxaana ciyaartoyda Sanaag lagu qanciyay in wixii garsoorku qabtaa ay qasab ku tahay in la aqbalo waxaana rekoodhan Saaxil gool ugu sarifay Mustafe Saleebaan (Mustafe Messi)oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Saaxil hogaanka ciyaarta kula wareegtay.
Mustafe Saleeban ayaa xulka qarankiisa fursado badan ka lumiyay wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolkiisii 3 aad ee ciyaaraha Gobolada Somaliland. Waxayna qaybtii hore ee ciyaarta ku dhamaatay 2-1 uu xulka gobolka saaxil hogaanka ciyaarta ku hayay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta tababaraha xulka gobolka Sanaag ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna doonayay in ay ciyaarta dib ugu soo labtaan isla markaana ay ugu yaraan helaan goolka barabraha laakiin xulka gobolka Saaxil oo ay u muuqatay booska afar dhamaadka ay ciyaartani ka xigtaa ayaa dagaalkooda sii laba jibaaray.
Xulka gobolka Saaxil ayaa helay goolka saddexaad ee ay kalsoonida buuxda ku heleen isla markaana ay Sanaag niyadjabka iyo murugada ugu abuureen waxaana gool si cajiib ah looga soo shaqeeyay indhaha ku xaday Mustafe Saleebaan (Mustafe Messi) kaas oo goolkiisii labaad ee kulankan sidaa ku dhaliyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Saaxil hogaanka ciyaarta ku sii dheeraystay.
Goolkan ayaa ahaa goolkii 4 aad ee Mustafe Saleebaan (Mustafe Messi) uu ka dhaliyay saddexdii kulan ee uu ka soo muuqday sideed dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland wuxuuna la gool dhalin noqday Maxamed Maxamud Jaamac Engineerka oo isna 4 gool udhaliyay xulka gobolka Xaysimo halka Bahdoon Maxamed Hadliye uu leeyahay 3 gool.
Xulka gobolka Sanaag ayaa ugu dhawaaday in ay helaan goolka labaad kadib markii kubbad laaga xorta ah loo dhigay iyada oo markale Sikaawi uu kubbad laaga xorta ah uu ku tuuray goolka Saaxil laakiin markan goolhaye Cali Sucuudi ayaa awooday in uu kubbada iska joojiyo balse kubbada ka soo booday ayaa markale goolka looga dhalin gaadhay laakiin nasiibka ayaa Saaxil saaciday waxayna Sanaag iska lumisay fursad aan la rumaysan karin.aaa
Nimcaan Torayo oo ahaa ciyaartoygii goolka furitaanka Saaxil u dhaliyay ayaa iska lumiyay fursadii ugu fiicnayd ciyaarta ee aan gool lagu dhalin isaga oo kubbad kula soo baxay goolka Sanaag iyo goolhaye Faaris basle si aan kalsooni lahayn ayuu kubbada udulmariyay birta goolka.