“Xukuumadu Waxay Bartilmaameed ka Dhigatay inay Xidh Xidho Birimagaydada Beel ka Mid ah Somaliland” Gudoomiye Ku Xigeenka Waddani {DHAGAYSO}
Hargaysa 13.Feb 2014 (SDN) Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa Sheegay in Hab dhaqan Qalafsan ay Xukuumada Somaliland ee uu Gadh wadeenka ka Yahay Madaxweyne Siilaanyo ay Olole Xoogan ku Hayso Beel ka Mid ah Somaliland oo ay Xabsiyada ku Gurayso.
Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Waddani Waxa uu Xusay in dhawaan ay Dawladu Xidhay laba Oday oo ka Tirsan Gudida Tallo iyo Tawfiiq Isla Markaana ay Xalay Gurigiisa kala baxday Xasan Axmed Muuse “Xasan Goodaad” oo ah Xoghayaha Xannaanada Xoolaha ee Xisbiga Waddani,Kuwaas oo Hal Beel ka soo Wada Jeeda.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalkii Gudoomiye ku Xigeenka Waddani
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/kuXigeenkaWaddani.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com