|

“Xukuumadu In Badan Bay Isku Dayday Inay Dagaalo Dalka Ka Rido…” Cali Cilmi Geele

Hargeysa, 13 March 2015 (SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cali Cilmi Geelle, ahna siyaasi ka tirsan xisbigga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo markasta isku daydo inuu dagaal dhaco, balse xisbiyadu ka hortaagan yihiin inuu wax dhibaato ahi ka dhaco dalka.Isla markaana wuxuu sheegay aanay xisbiyaddu wadin wax dhibaato ah.

Cali Cilmi GeeleSiyaasigu wuxuu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyay shirjaraaid oo xisbiyadda mucaaridka iyo Madasha waddatashigu ku qabteen shalay hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Cali Cilmi oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi;“Haddii aanu nahay isbahaysiga Mucaaridka iyo Madasha wadatashigga, waxaa mar walbaa la idiinka dhaadhiciyaa, oo xukuumadu idiinka dhaadhicisaa, oo ay dadka u sheegta inay yihiin dad fidno wadayaal ah, oo waddanka baabi’nayaa, oo kharibayaa hortaa ma nihiin, ninkastoo maanta dalka jooga anagaa uga lexe-jeclo roon dalka, inay wax ka dhacaana diyaar uma nihiin, xukuumadu xukuumadu in badan bay isku dayday in ay wax dhacaan oo dagaalo ka rido dalka anagaa ka hortaagan, in aanu waddanka sida aanu ku soo dhisnay ognahay wax ka dhacaan, ha naga filalnina in aanu rabshado idiin horkacno. “ayuu yidhi Cali Cilmi Geelle wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay “Waxa qudha ee maanta (shalay),aniga iyo xukuumadda noo dhexeeyaa waxaa weeye waar shircibaa inoo dhexeeyee sharcigii ma ku dhaqannaa.”

Comments are closed