XUKUUMADDU WAY KU MERGATAY GUDOOMIYIHII WAKIILADA (Qaybtii 3aad)
Hargeysa Dec 20,2013(SDN)-iyaasadaha qaladka iyo qardoofada badan ee xukuumaddu ay mucaaridka kula soo dhaqmaysay intii ay xilka haysay waxa barbar socday cabudhinta xoriyadda hadalka iyo burburinta saxaafadda madaxabanaan. Musuq maasuqa ayaa gaadhay heerkii ugu xumaa tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaani deeda taas oo keentay in ay fashilaan mashaariicda ugu muhiim sanayd dalka. Ugu dambaystii xukuumadu xal waxay mooday halkii uu taliskii Siyaad Barre hore ugu jabay oo waxay miciin satay xadhig iyo xabad taas oo ka marag kacaysa inay inta midida daabkeeda haysaa ay yihiin dar ku lunsan mugdiga tiiha iyo asqada ay ku dhex jiraan.
Hadii aynu dib ugu soo noqono dagaalka gaarka ah ee ku wajahan gudoomiye. Cirro waa mid wata kibir iyo isla waynaan waayo marka ugu horeysa halka laga raacay Cabdiraxmaan Cirro waa is fahamka dhex maray xisbigiisa iyo UCID oo ay mucaarid wada yihiin. Tan labaad na waa ogolaanshaha Shirka Dooda Qaran iyo kaalinta uu xisbigiisu kaga jiro. Waxa kale oo madaxtooyada maankii iyo miyirkii ba waasiiyay dibu habaynta ugu gudoomiyuhu ku sameeyay Gudida Joogtada ah iyo guddi hoosaad yada kale ee golaha waxa aanay ka masayrtay markii Gudida Joogtada ah iyo Guddi hoosaadka Arimaha Gudaha iyo Nabadgelyadu ay mid waliba dhexdeeda gudoomiye uga doortyay xildhibaan ka tirsan WADDANI oo ah kuwo xaga madaxtooyada aadka looga neceb yahay lakiin ka mid ah kuwa ugu mudan golaha ee waajibkooda sida hagar la’aanta ah u guta ee ka caagan dhaameelka.
Madhnaanta inta ka ag dhaw dhaw odayga oo dhinca siyaasadda caydin iyo cago baruuro ah waxad ka garan kartaa sida ay uga cadhay siisay warqad uu gudoomiye Cirro u qoray madaxwaynaha oo uu kaga dalbaday in uu guddi u soo magacaabo kala qayb gasha labada xisbi qaban qaabada iyo wabashada Shirka Dooda Qaran si aan wax madmado ihi u iman furnaansho( transparency) loo helo. Warqadaasi wax uga uray ba dhinaca madaxtooyada laamahaa lagu dhacay. Oo yaa is gaadhay ba!
Isku daygii xil ka xayuubinta Cirro wejiyo badan bay yeelatay in kasta oo gudoomiyuhu uu muujiyay in uu haysto taageerada iyo kalsoonida golihiisa marka ay tahay farogelin kaga timaada dhinaca madaxtooyada. Xildhibaanada ka soo jeeda WADDANI waxa ka cadh badnaa kuwa ka soo jeeday Kulmiye een ahayn bililiqadii UDUB waayo dhinaca madaxtooyada xildhibaanada ugu mudan waa la yaqaan oo waxa horjooge u ah xildhibaan Cali Mareexaan oo ah ninka uu ilaa madaxwaynuhu doonayay inu noqdo Gudoomiyaha Guddi hoosaadka Arimaha Nebedgelyada lakiin xildhibaan Rayte oo garyaqaan ihi la kacay. Dhawrka xildhibaan ee madaxtooyada ka ag dhaw waxa lagu xantaa in ay qaayb ka yihiin musuq maasuqa sidii webi karaar dhaafay karkaarada jebiyay iyadoo ay ka mid yihiin kuwa qandaraas yada ugu badan sida aan sharciga ahayn lagu siiyo.
Hadal iyo dhamaantii sideed sanadood in ka badan ayuu gudoomiye Cirro Kulmiye la mac ahaa mar ay mucaarid wada ahaayeen iyo kol ay xukuumad ahaayeen ba. Iyadoo doorashadii madaxtooyada ay ka hadhay muddo sanad iyo badh keliya ihi Cirro na uu ka mid yahay ragga u tafo xaydan jagada madaxwaynaha hadii uu madaxwayne Silanyo ka doonayo sidii hore waxay ila tahay inay gef tahay waayo dee waa ha ila tartamin mana dhici karayso. Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cirro maalintii uu qabashada lahaa way tagtay. Talo na waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo.
Ugu dambaystii waxan leeyahay Alay leh Kulmiye iyo xukuumadiisii waxa helay Cirro oo ah xaqiiji yayna in uu yahay bi macnal kelima diblomaasi asal ah oo ay ku mergedeen xaga baruurada siyaasadda ee xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo ay akhriyi kari waayeen. Hada ba UCID xisbi ahaan halkuu ka taagan yahay khilaafka gudoomiye Cirro? Wuxu ka taagan yahay halka uu ka taagan yahay xisbiga WADDANI iyo meel ka sii fog. Axmed Silanyo na laga yeeli maayo qaladka marka aan doonayo waa sax marka kale se waa qalad. Maanta Cabdiraxmaan Cirro wuu xidido jiitay mana ridi karaan dabaylaha taagta yar ee lagaga soo kicinayo dhinaca madaxtooyada Axmed Silanyo.
DHAMAAD