|

“Xukuumaddu Waxay Dadka Abaaraysan Kaga Mashquushay Kala Dillaalista Hantidii Ummadda Oo Boob Lagu Wado..” Aadan Dhoolla-yare

Hargaysa 05. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Cadaaladda Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-yare) oo xilligan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay inay Dadku ka quusteen Xukuumaddoodii oo aan hadal-haynin wax u qabashada Dadka Abaartu ku saamaysay dalka, isla markaana ay ku mashquuleen Masuuliyiinta Xukuumaddu kala dillaalista iyo boobka hantida Qaranka.

Aadan-Dhoollayare waxa uu ku dhalliilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay tayadeedu liidato oo aanay jirin caqli, waddaniyad iyo damiir wanaagsan oo ay Masuuliyiinteedu ku shaqaynayaan. Waxaanu Aadan sidaa ku sheegayy War qoraal uu ku saxeexan-yahay oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog, kaasoo u dhignaa sidan:-

“Abaartii dalka ku habsatay, lama hadal-hayo, Dadkiina waxay ka quusteen Xukuumaddoodi, waxaanay talo saarteenn Illaahay, waayo? Raxmadda Illaahay lagama quusto. Illaahayna wuu u soo naxariisan doonaa Insha Allaah sidii looga bartay. Hase-yeeshee, waxa yaab leh Xukuumaddii dalkan iyo dadkan ka masuulka ahayd meeday? Madaxweynuhu wuxuu magaacbay Guddi Abaareed u badan Culimo reer Hargeysa ah oo uu Madaxweyne ku-xigeenka Guddoomiye uga dhigay, Wasiirka Awqaaftuna ka mid yahay.

Waa Xukuumaddi oo ku dhex milantay Dad Shacab ah oo aan sharciyan xaq u lahayn inuu Madaxweynuhu Wasiir Xukuumad ka tirsan Xubin ka mid ah ka dhigo Dad Shacab ah oo reer Hargeysa ah. Run ahaanti Aniga oo aan eedaynayn Guddiga haddana dad badani waxay qabaan inaanay gudan hawshii loo xil saaray oo aanay weligood ba gaadhin gobollada Abaartu ku habsatay in badan oo ka tirsan.

Waxa kale oo yaab lehl! Xukuumad mar walba Khaliijka gaadhaysa oo aan filayo inaanay marnaba warbixin buuxda ka bixin inay dawladaha Khaliijka ka codsadaan caawimo deg-deg ah oo aanay marnaba u gudbin xaaladda adag ee dalka soo afsaartay. Waxaynu dhawr jeer ka maqalnay Khaliijka ayaa caawimo innoo keenaya, balse lama arag. Waxaan ka maqalnay Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyadu oo la kulmay Amiirka dawladda Kuwayt oo uu leeyahay waxay Kuwayt soo bilaabaysa khad toos ah oo dayaarado ah oo caawimo ka hortag ah sida oo ku soo degi doona madaarka Hargeysa.

Waxaynu aragnay Dayuurad qudha oo ku soo degtay madaarka Berbera oo sidday caawimo lagu sheegay 150 Qoys oo keliya in loogu talogalay oo aan arkayay iyada oo uu Duqa Berbera ugu qaybinayo Dad aan u maleeyay Danyar oo Madaarka ku sugnaa, maan fahmin nidaamka lagu soo xulay. Wax dambe maan arag iyo Markabki ay yidhaahdeen wuu ka dambeeya caawimada Dayuuradda. Waxaan arkayay Wasiirro Weftiga la socday oo aan wax mashaariic ah oo ay sii diyaarsadeen oo codsi ah oo loo gudbiyay Amiirka aanay jirin, maaddaama oo ay fursad u heleen inay la kulmaan Amiirka dawladda Kuwayt. Wax ay gudbiyeen oo codsi ah innoomay sheegin.

Waxaynu ognahay inay codsiga caawimada ay inoo sheegeen ay qortay safaarada Somalidu oo sharci ah in wax kasta oo ay inagu caawinayaan warqada ay qorto safaarada Somalidu isla marka waxaynu daawnay Safaaradda Soomaalida oo leh waxaanu Somaliland u diray dayuurad caawimo siday. Waxaynu garan kara madaama ay weftigu nasiib u yeesheen inay la kulmaan Amiirka inay u gudbin karayaan codsiyo ku saabsan mashaariico la sii qoray oo nidaamsan waxay waydiisan karaan waxbarasho ay siiyaan ardayda jaamacadaha,tababarka shaqaalaha dawlada waxaynu ognahay inay dawlada Kuwayt ay bixiso waxbarasho ay siiso arday badan oo dalalka caalamka ah. Waxa laga codsan kara lahaa mashaarico horumarineed dhinac walba waxaanan huba inuu inoo oglaan lahaa Amiirka Kuwayt wixii macquul ah ee aynu ka dalbano waayo amiir aad u macquul ah.

Arrimahaas oo dhan maaddaama oo aanay waxba innooga sheegin waxaynu u qaadan karnaa inay Dalxiis uu tageen oo ay sawiro la soo galeen Amiirka iyo jaaliyada Oo casuumado u fidisay. Taas waxaa la mid ah dawlada Imaaraadka oo ay goor walba tagaan oo aynaan weli maqal xataa laba inan oo ay kooras ugu direen iyo inay waydiistaan caawimo dhaafsiisan mashaariico xaqul qalam lagu qaato. Waxaynu ognahay in dollarki cirka isku shareeray oo maciishadii cirka qabatay oo danyartii iyo dan weyntii llabadiiba iibsan kari waayeen oo ay abaartiina u dheertahay.

Xukuumaddu waxay amar ku soo rogtay oo ay sicir u jartay inaanu dollarku intaa dhaafin oo ah aqoon darro tii u xumayd oo aan aduunka la arag dawlad amar tidha wax halagu jabiyo. Waxay keeni kari wayday xukuumadu qorshe ay ku jabiso sarifkka sababtuna waxay tahay marka horeba xukuumadu lama socoto sicirka maciishada iyo sarifka mar qudha ayuun bay ku soo ambabartay shacabkii oo warbaahinta ka qaylinaya. Xukuumadu waxay ogtahay oo fasax u siisay inay sarif llayaal baanka dhexdiisa ku sarifta shilinka landta. Ma waxaynu odhan kara wasiirada wufuuda u baxay ee khaliijka tegaya aqoon darro ayaa haysa oo ma garanayaan baahida wasarada hooda oo u qadimaan madaxda ay la kulmaan goor walba.

Sida aynu aragnay wakiillka inoo jooga Imaaraadku waa nin firfircoon oo ku dheereeya inuu maalgashi dano gaar ahi ku jiraan keeno wadanka laakin weli kamaynaan maqal arday uu waxbarasho amma tabobar uga soo helay Imaaraadka. Waxaynu ognahay in shuyuukhda khaliijka haddi laga codsado mashaariico iyo codsi waxbarashada heer jaamacadeed iyo wax ka sareeya aanay diidahayn. Waynu aragnay tiro ceelal laga keenay Imaaraadka laakiin mee mashruuci weynnaa ee biyaha Xunba wayne ee ay waliba ku dhinteen inamadu marki lagu mudaahraaday riigi 2008. Xukuumadu waxay tahli wayday inay xal ka gaadho inay dhamayso is afgaran waa yar oo khalad u dhacay. Waxaynu ognahay inuu mashruuca xunba-weyne xaga xukuumada ka xaniban yahay.

Waxa halka ka muuqata in tayada xukuumadu liidato oo aanay ku jirin caqliyad wadaniyadnimo iyo damiir wanaagsani. Waxaynu ognahay haddii ay xukuumadu dalban lahayd laba markab ama sadex raashin ah inay maciishadu jabi lahayd oo dolarku dhici laha oo dadka abaarta wax la tari lahaa. Ma waxaynu odhan kara Imaaradka oo loo saxeexay heshiis Dekedda ah iyo saldhig meletari ayaa inoo diidaysa sadex markab oo sadaqad ah waxaa lagu iloobay xaqul qalam yar oo kaash ah oo la garanahayn meel ay marto.

Waxaynu mar aragnay wasiirka maalliyada oo shan milyan oo dolar oo kaash ah miis dulsaartay oo tidhi xaqul qalamki Dekedda miyaanay ceeb ahayn wasiir dhan oo khasnaji noqday oo soo qaaday lacag kaash ah oo weliba lagu shubay baan gaar loo leeyahay. Haddana la arkay xukuumad lacag kaash ah oo doolar ah warbaahinta la soo hor fadhiisata. Waxaaba sharaf ahaan lahayd in xaqul qalamkan ay sheegayaan dhawr markab oo raashin ah ku so iibiyaan.

Si kastaba ha ahaatee weli caawimo soo gaadhay wadanka oo buuran lama hayo laakin xaqul qalam wuu soo gaadhay waxaanay xukuumadi ku mashquushay kala dilaalista hantidii umada oo boob lagu wado, loona jeedin in la wax la taro dadka abaartu ku habsaatay. Waxaad arkaysa wasiiradi oo isu awood sheegtay oo qaar ka mid ahi shaqadoodi ay qaateen kuwa madaxtooyada ka ag dhawi.

Waxa la yaab ah wasiir qudha oo la wareegay hawshii caafimaadka, biyaha, ciyaaraha, maaliyadii iyo wax kasta oo la soo iibinayo oo ay xaq u lahaayeen wasiirada ku shaqada lihi inay ku wareejiyaan cidii loogu talo galay. Xukuumadi waxay noqotay in wasiiradu is xukumaan oo awood la isu sheegto mar haddi shaqadii ay lahaayeen maamulayo wasiir aan shaqadiisa ahayn. Ilaahay waxaan ka baryaaya inuu shacabkan ka soi dhex saaro dad u damqanaya dalkan iyo dadkan oo leh damiir muwaadinimo oo daacad ah. Ilaahayna garan siiyo xilkooda oo u shaqeeya.”

Comments are closed