Xukuumaddu Miyay Ogolaatay In Xulafadda Sucuudigu Madaarka Berbera U Isticmaalaan Duullaanka Xuutiyiinta Yemen?
Hargeysa, 29 March 2015 (SDN/QJ)-Iyadoo maalintii sadexaad uu soconayo hawlgalka duqaynta xuutiyiinta ee xulafadda carabta ee sucuudigu hogaaminayaa wadaan, ayaa waxa isa soo taraya warar sheegaya, in xulafaddu doonayaan inay isticmaalaan madaarka Berbera.
Madaxweynaha dawladda soomaaliya Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa, inuu u ogolaaday madaaradda iyo dekedaha dalkii hore laysugu odhan jiray soomaaliya, inay isticmaali karaan xulafadda sucuudigu hor kacayaa. Hase yeeshee, Wasiirka duulista hawadda xukuumadda soomaaliya Cali Jaamac Jangali oo arrintaa wax laga waydiiyay ayaa ka bixiyay jawaab kooban. ““Waxaa fiicnaan lahayd inaad waydiisid dawladda hawshaas ku shaqada leh laakiin, annaga wax nala waydiistay ma jiraan”, ayuu yidhi Mr Jangali. Sida warbaahinta qaar faafiyeen Wasiirku wuu ka gaabsaday inuu sii sharaxo waxa xukuumaddoodu ka yeelayso haddii taasi timaado.
Dhinaca kale warar wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo diblomaasiyadeed oo u dhuun dalloola qalalaasaha Yaman, ayaa tibaaxay suurtagalnimadda wefti ka socda dawladda Suudaan oo la filayo inay u yimaadaan Hargeysa wada xaajood, la xidhiidha isticmaalka madaarka Berbera iyo badda. Wararkaasi may tibaaxin faahfaahin dheeraad ah oo dulucda xogahaa sii iftiimiya, isla markaana ma jiraan warar madax banaan oo dhabaynaya jiritaanka xogahaa oo si toos ah uga soo baxay dhinacyada ay khusayso.
Hase ahaatee, waxa la naawilayaa in xaqiiqadda arrintaas, jiritaankeeda iyo jiritaan la,aanteeduba soo bixi doonto maalmaha soo socda.
Xulafo carbeed oo uu horkacayo sucuudigu ayaa lixdankii saacadood ee u dambeyay hawadda ka duqaynayay goobaha ay ka degen yihiin maleeshiyadda xuutiyiintu caasimadda Sanca iyo meelo kale oo dalkaa ka mid ah, isla markaana hawlgalkaa ayaa la sheegay in xulafaddu ku beegsanayso baajinta in gebi ahaanba dalkaasi gacanta u galo xuutiyiinta iyo xooggaga madaxweynihii hore ee dalkaa oo is garabsanaya. Wararku waxay intaa ku dareen, in sidoo kale xulafadu duullaankan uga dan leedahay hakinta socodka xulafadda shiicadda oo qarka u saaran inay gacanta ku dhigaan dhulka Yemen oo dhan, kaasoo haatan baddi gacantooda ku jira, kuna sii siqaya magaalooyinka koonfurta dalkaa sidda Cadan iyo meelo kale. Taasoo dhalisay in madaxweynaha sharciga ah ee dalkaa ooh ore uga soo cararay caasimadda Sanca uu mar labaad ka qaxo magaaladda Caddan, kadib markii xuutiyiintu hawadda ka garaaceen madaxtooyadda uu deganaa. Madaxweynaha ayaa aakhirkii magan galay sucuudiga, waxaanay wararku sheegeen inuu gaadhay caasimadda Sucuudiga.