|

“Xukuumaddu inaanay lahayn qorshe siyaasadeed iyo qorshe ictiraaf waxa inoo caddeeyey madaxweyneheenna, Khudbadiisiina kelmadda ictiraaf la yidhaahdo kuma uu soo darin,”Gudd. Cirro

Hargeysa:May,21,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa jeediyey Khudbad dheer oo uu kaga hadlayo arrimaha waddanka iyo khilaafyada siyaasadeed ee  taagan.

cirroGuddoomiye Cirro oo ka Hadlayey Munaasibad uu xisbigiisu ugu dabaaldegayey Munaasibadda 18-ka May, ayaa waxyaabaha uu ka hadlay waxa kamid ahaa arrimaha khilaafku ka taagan yahay ee muddo-kordhinta, waxana uu arrintan ku eedeeyey Golaha Guurtida oo uu ku tilmaamay qaar dalka khilaaf geliyey, “Waxa Guurtida, Shacbiga, Beesha Caalamka iyo Madax-dhaqameedku  uga digeen inaanu Goluhu khilaaf ka abuurin Somaliland, laakiin ayaandarro wixii laga digayey waa dhaceen, xukuumaddaana qiratay in go’aankii Guurtida khilaaf ka dhashay, waxana ay yidhaahdeen Gogol baanu dhignay.” Ayuu yidhi Mudane Cirro.

Cirro waxa uu markii ugu horraysay sheegay ka hor inta aan Go’aan laga gaadhin khilaafka taagan uu xisbigiisu gaadhay Go’aan cad, kaas oo uu sheegay inuu yahay mid Bulshada somaliland  iyo dunida kaleba ka farxin doono oo dani ugu jirto, waxana uu yidhi,

“waxanu idiin sheegaynaa in Xisbigu go’aankiisii gaadhay, waana Go’aan aad ku faraxdaan, Go’aan Gudida Doorashooyinku ku farxaan ayaanu Gaadhnay, Go’aan Shacabku ku farxo ayaanu gaadhnay, Go’aan Beesha caalamku ku faraxdo, ayaanu gaadhnay. Gogoshaana lagu furfuri doonaa Haddii allah yidhaahdo.”

Waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay lusimay saaxiibo badan oo Somaliland, waxana uu tilmaamay inanay lahayn qorshe ictiraaf raadineed,“waxa dhaqanka xukuumadda ka muuqada inaanay kasbanaynin saaxiibo, laakiin ay luminayso saaxiibo, xukuumadduna inaanay lahayn qorshe siyaasadeed iyo qorshe ictiraaf waxa inoo caddeeyey madaxweyneheenna, Khudbadiisiina kelmadda ictiraaf la yidhaahdo kuma uu soo darin, waxana aanu ka codsanaynaa inay shacbiga usoo bandhigto qorshaheeda Ictiraaf raadinta.” Ayuu yidhi Mudane cirro.

Waxa uu si gaar ah uga hadlay dhacdooyin hore waddanka uga dhacay, kuwaas oo sabab u ahaa inuu madaxweyne Siilaanyo hoggaannka waddaka qabto,  kuwaas oo ay kamid ahaayeen Dhexdhexaadintii beesha caalamku ka gaadheen khilaafkii siyaasadeed ee xilligii Dawladdii Daahir Rayaale, waxana uu yidhi, “Madaxweyne Siilaanyo waxan xasuusinayaa 2009-kii Markii doorashada lagu marmay, siilaanyo waxa uu yidhi hannalla soo dhexgalo caalamku, Madaxweyne Daahir wuu oggolaaday, lix qoddobna waa la kala saxeexday, waana lixdii suurtogeliyey in doorasho la qabto oo madaxweyne Axmed Siilaanyo uu madaxweyne Noqdo. Berigaa ma qaranka la duminayey? Ma arrimaha dibaddee somaliland baynu farogelinaynay, maxayse maanta maalintii kaga duwan tahay, Haddii la heshiin waayo Caalamku wuu imanayaa.”

Hadalkan waxa uu ka sheegay munaasibad Xisbiga Waddani ugu daggaal degayey Munaasibadda 18-ka May oo lagu qabtay Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed