|

Xukuumaddda Somaliland oo kaalmo gaadhsiisay tiro kooban oo ka mid ah Qoysaska Abaaruhu ku dhufteen ee gobolka Saaxil

Hargeysa 18, July 2012 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylici) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta taakulo raashin ah gaadhsiiyay qaar ka mid ah dadka Abaaruhu asiibeen eek u dhaqan degaamada gobolka Saaxil.

Siday ku warantay idaacadda dawladda ee Raadyow Hargeysa, Madaxweyne kuxigeenka waxa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-Xoog), Wasiirka Dib-u-dejinta Cabdrisaaq Cali Cismaan, wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil, guddoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo masuuliyiin kale.

Warku wuxuu intaa ku daray, in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay kormeeradii uu dhowaan Madaxweyne kuxigeenku ku soo maray gobolka Awdal ee uu ugu kuurgalayay heerka ay gaadhsiisantahay Abaarta saamaysay deegaamadaas.

Madaxweyn ku xigeenka iyo weftigiisa oo saaka gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, waxa uu uga sii gudbay deegaamada Xeebta, isagoo sii maray deegaamada ay ka mid yihiin Xagal, Laasciidle iyo qaar kale.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisu intii ay ku guda jireen socdaalkaas, waxay gaadhsiiyeen dadweynaha ku tabaaloobay abaaraha ee jiidaasi Raashin gaadha laba boqol oo qoys.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisu intii ay ku guda jireen socdaalkooda, waxa ay xog-waran la xidhiidha saamaynta abaartu ku yeelatay dad iyo duunyaba ka qaateen bulshada ku dhaqan deegaanadaa ay marayeen.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed