Xukuumadda Turkiga Oo Amar Ku Bixisay In Xabsiga Lasoo Dhigo Sheekh Fethullah Gulen Oo Ay Si Weyn Isu Hayaan Madaxweyne Erdogan
Stanbul:Dec,20,2014(SDN/QJ)-Warqad lagu soo qabanayo Sheekh Sheekh Fethullah Gullen oo ah wadaad mustaafuris ku maqan, isla-markaana ay si weyn isku hayaan Madaxweyne Erdogan, ayaa waxa soo saartay Maxkamad ku taalla Dalka Turkiga.
Mr Gulen oo ku nool dalka Turkiga ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu aasaasay isla markaana uu hogaamiye u yahay urur hubeysan oo argagaxiso ah.
Wadaadkan ayaa waxaa uu hore ula ahaa saaxib dhow madaxweyne Recep Tayyib Erdogen hase ahaatee waxaa loo haystaa hadda dacwad ah inuu doonayay in uu afgambiyo xukuumada Turkiga. Balse wadaadka ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Inkastoo xukuumada Turkiga ay u jartay warqada soo qabashada ah ayaan hase ahaatee la fileyn in xukuumada Maraykanka ay oggolaato in laga soo masaafuriyo dalkeeda haddii laga codsado.
Amarka soo qabashada wadaadkan ayaa imanaya kadib markii dhowaan dad la tuhunsan yahay in ay taageeryaal u yihiin xabsiga la dhigay.
Inkabadan labaatan saxafi oo lala xidhiidhinayo Gulen ayaa dhowaan xabsiga loo taxaabay iyadoo sidoo kale saraakiil ciidamada ka tirsan xabsiga loo taxaabay.
Sanad kahor ayaa madaxweynaha dalka Turkiga Erdogen oo xilligaas ahaa ra’iisal wasaare ayaa qaar ka mid ah golahiisa wasiirada lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin musuqmaasuq waxayna taasi sababtay in afar wasiir ay is casilaan
SDN/QJ