Xukuumadda Talyaaniga oo Markii Kowaad ka Hadlay Masiibadii ka dhalatay Doontii Ku degtay bada Mediterranean Kuna Baaqday in Midowga Reer Yurub aanay Xadkooda Xidhin
Roma, 21 April, 2016-(SDN/QJ): – Dawladda Talyaaniga, ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in tahriibayaal badan ku geeriyoodeen Dooni ka soo baxday dhinaca Waddanka Masar, arrintaasoo ay ku sifeeyeen inay tahay masiibo xun oo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto.
Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Reuters Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Mr. Paolo Gentiloni, ayaa sheegay, “Waxa aannu raadinaynaa tafaasiil kale oo dheeraad ah iyo macluumaad badan, laakiin waxa aan xaqiijinayaa oo la hubaa in aynu markale masiibo xun ku arkayno Badda Mediterranean-ka oo ay ku qarqantay dooni ka soo baxday dhinaca dalka Masar, taasina waa arrin keenaysa in dalalka qaaradda Yurub ay si buuxda u muujiyaan ka go’naansho ah in aanay xadkooda xidhan, balse ay la yimaaddaan siyaasad guud oo wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka tahriibka,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Talyaaniga.
Doonta dhacday oo ay saarnaayeen dad kor u dhaafaya 400 qof oo Soomaali u badan oo ka baxay dalka Masar ayaa la sheegay inay ku hafteen badda, kadib markii doontu kula degtay biyaha badda isku xidha dalalka waqooyiga Afrika iyo qaaradda Yurub.
Dadka tahriibayaasha ah ee masiibadu ku dhacday waxay ku waajahnaayeen dalka Taliyaaniga, iyagoo ka ambabaxay waddanka Masar saddex maalmood ka hor.
Ciidammada Ilaalada xeebaha ee dalalka Talyaaniga iyo Giriiga, ayaa Doraad sheegay in aanay hayn wax war ah oo la xidhiidha doonta tahriibayaasha siday ee ku degtay badweynta, balse hadalka ka soo baxay Wasiirka Khaarajiga Talyaaniga, ayaa meesha ka saaray tuhuno badan oo ku xeernaa dadka tahriibayaasha, kaasoo xaqiijiyey inay ku dhinteen badda.
Dhinaca kale, safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa xaqiijisay in doonta tahriibayaasha badan sidday degtay, laakiin aanay caddayn karin tirada Soomaalida ku geeriyooday doontaas oo la sheegay inay saarnaayeen dad ka badan 400 oo qof.
Nin Soomaali oo turjumaan ah oo ku sugan dalka Giriigga, ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in tiro dad ah oo laga badbaadiyey doonta qarraqantay la gaadhsiiyey Jasiiradda Crete oo Giriigga ku taal, sidoo kalena la bilaabay gurmad lagu raadinayo meydadka dadka ku dhintay shilkaas.