Xukuumadda Soomaaliya oo wada qorshihii ay kuala wareegi laheyd Goobaha ay Al Shabaab gacanta ku hayaan
Muqdisho March 16 2013 (SDN)— Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan qorshooyin kala duwan oo ku aadan Gobalada iminka ay Shabaab ku sugan yihiin.
Wasiirka Wasaarada Difaaca dalka Soomaaliya C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in Gobalada Shabaab gacantooda ku jira ay Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay wadaan qorshooyin ku aadan sidii ay ula wareegi lahaayeen.
C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in Gobalada iminka ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kusii dadaali doonaan sidii ammaankooda ay u adkeyn lahaayeen.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ujeediyay mahadnaq ballaaran sida dhiigooda ay ugu hureyn dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka Shabaab.
Dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa isbedel dhanka hogaanka ciidanka ku sameysay iyadoo Saraakiisha cusub ee ciidanka ay shaaciyeen inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
SDN-Muqdisho