|

Xukuumadda Soomaaliya oo Bilawday Qorista Shaqaale Soomaali ah oo Loo Dirayo Sacuudiga

SHAQAALE

Muqdisho, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday bilaabashada diiwaan gelinta shaqaale Soomaali ah oo loo dirayo dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in shirkado Soomaaliyeed loo fasaxay billaabista diyaarintii shaqaalaha loo qaadayo dalka Sucuudiga.

Wuxuu intaasi ku daray in dufcadda ugu horeysa ay noqon doonto tiro dhan Laba kun oo shaqaale ah oo ka kooban caafimaadka, xoogsatada, darawalo iyo qeybaha kale ee shaqooyinka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in shaqaalahan ay fursad ka heli doonaan dhalinyaro badan oo Soomaali ah.

Comments are closed