|

Xukuumadda Soomaaliya oo baaq u dirtay Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta kulanku uga socdo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

Muqdisho Jan 31,2014(SDN)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeereysaa Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta hormuudka u ah wadahadallada iyo wada tashyada ka socda magaalada Baydhabo arrimaha soo socda:

1- In la dhowro deganaanshaha iyo xasilloonida guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara iska horimaad bulshadeena dhexdeeda;

2- Sidii horey laysku afgartay, waa in fursad la siiyo sidii loo ballaarin lahaa, loona sii wadi lahaa wada tashiyada iyo is-fahamka si geedi socodku u noqdo mid guuleysta;

3- Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa isla markaana fududeyneysaa inay sameysmaan Maamul Goboleedyo ku dhisma habraaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed