|

Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi + Xildhibaan Weli Axmed Xaawa Oo Canbaareeyay Xadhiga Boqorka

Hargeysa,15sep,2015(QJ/SDN)-Boqor Raabi Yuusuf Cabillaahi oo ka mid ah dhaqan Somaliland ayaa shalay ciidamada Bileyska Somaliland Xabsiga U taxaabeen, iyadoo wararka aanu helayno ay sheegayaan in boqorka loo xidhay fikirkiisa ku aadan Mashruuca Banka Qoolcadey ee xukuumadda Somaliland daba ka riixayso.

boqor kkk

Xadhiga Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi ayaa waxa si kulul u canbaareeyay Xildhibaan Weli AXxmed Xaawa, wuxuuna sheegay in boqorka loo xidhay aragtidiisa uu ku diidanyahay in Banka Qoolcaday la xidho, “Boqorka xadhigiisa waan cambaaraynayaa, waxaanan xukuumadda ugu baaqayaa in shuruud la’aan lagu soo daayo, waayo Boqorka wax kale laguma haystee wuxuu ka hadlay in Banka Qoolcaday la xidho. Waxaan leeyahay hawsha banka qoolcaday haamah Berbera way ka darantahay, haddii dadka sidaas loo khasbana waa la arki doonaa dhibaatadeeda. Waxaan leeyahay haddii boqorka aan dambi kale lagu haysan oo lagu haysto maxaad u hadashay, waa in deg deg xorriyadiisa loogu soo celiyaa.” Ayuu yidhi Weli Axmed Xaawa.

xil boq

Ugu danbeyntii Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaanahan usoo tafaxaydatay sidii hantida danta guud ay ugu wareejin lahayd shakhsiyaad gaar ah. balse dadka shacabka ah ayaa si xooggan arrintaasi uga feejigan.

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed