Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay inay Guul Ku Soo dhamaatay Nabadayntii La Dhex Dhigay Beelihii Ku dirriray Koonfurta Sool
Laascaanood 07. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Prof, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaa masuuliyiin ka tirsan xukuumada JSL ayaa maanta Soo gabo Gabeeyay hawlgalkii Nabaaynta ee ay ka dhex wadeen Laba Beelood oo Walaalo ah oo Xurgufi hore ugu dhex martay Deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Sool.
Weftiga Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay Xubno ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga, Iyo Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada,Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Madax dhaqameed Kala duwan ayaa Kormeer ku soo maray Deegaamada Daba taag, Dharkayn geeyo Iyo Kala baydh Waxayna Bulshada Jiidaasi ku nool ugu baaqeen inay dhinac uga soo wada Jeedaan Wax kasta oo Nabadgalyada iyo Wada noolaanshahooda wax yeelaya, Waxaa Kale oo Xubnaha Wasiirada ahi Bulshada hoga tusaaleeyeen Heshiiskii ay Wada gaadheen Wax garadka Labada Reer ee Shaqaaqada Khasaaraha Nafeed Sababtay ay dhex martay.
Dhanka Kale Dadweynaha Ku dhaqan Deegaamada Daba taag, Dharkayn Geeyo iyo Kala Baydh ayaa Xukuumadda Somaliland Iyo Ciidamada Qaranka uga Mahadnaqay doorka muga leh ee ay ka qaateen Nabadaynta iyo Turxaan bixinta Labadan ardaa ee Shaqaaqadu dhex martay Waxayna sheegeen in Sadexdii Cisho ee u danbeeyay ay Deegaanada Daba taag,& Dharkayn geeyo ay ku soo noqonayeen Dadweyne ay Colaadu baro Kicisay Kuwaas oo Ku Faraxsanaa Nabada buuxda ee dhacday.