Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in Mas’uul Kasta oo Dawladeed aanu adeegsan doonin Warbaahinta Gaarka ah Taas badalkeedana ay adeegsan doonaan Warbaahinta Dawladda DAAWO
Hargaysa 14. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa Maanta golaha wakiillada u sheegay in ay isla garteen in madaxda dawladdu adeegsato warbaahinta xukumadda “Wasaaradda warfaafintu waxay noqon doonta mid isku xidha goleyaasha, wasaaraddaha iyo dawladda, waxaanu isla garanay ama noo qorshaysan in aanay madaxda dawladdu heerka ay doonan ba ha ahaadaane aanay adeegsan warbaahinta gaarka ah ee ay adeegsan doonan warbaahinta dawladda ee wasaaradda warfaafinta,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Guri Barwaaqo.
Wasiirka warfaafintu Wuxuu dhanka kale sheegay inay ka taxadiri doonaan Weriyeyaasha la xidho taas badalkeedana ay Culayska saari doonaan lana Xisaabtami doonaan tifaftireyaasha iyo agaasimeyaasha warbaahinta madaxa bannaan.