Xukuumadda Somaliland oo Sharaxaad ka Bixisay Heshiiskii Dhamaystirka Maalgelinta Dekeda Berbera Kana Jawaabtay Hadalo ka soo Yeedhay Mas’uuliyiin ka Tirsan Dawlada Somalia DHAGAYSO
Dubai 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Somaliland iyo Shirkadda DP World ayaa magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku kala saxiixday heshiis ku saabsan maalgelinta dekedda Berbera.
Heshiiska ayaa imanaya xilli dhowaan baarlamanka Somaliland uu ogolaaday heshiiskan ay dowladda la galeyso shirkadda DP World.
Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa weftiga Somaliland ee Dubai u tegey heshiiska dekedda Berberba ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobada heshiiska.