Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Habka iyo Hannaanka uu u dhacayo Aaska loogu samaynayo Degmada WidhWidh Garaad Abshir Garaad Saalax DAAWO
Hargaysa 09.July 2016 (SDN/QJ):- Xukuumada Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga hadashay qaabka loogu talogalay aaska marxuum garaad Abshir saalax oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka waaweyn ee Somaliland oo Dhowaan ku dhintay Dalka dibadiisa, dhowaana la keenayo wadanka si loogu aaso Degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle
Afhayeenka dawlada Somaliland, ahna Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Md Cismaan cabdilaahi saxardiid caddaani ayaa maanta saxaafadda u bandhigay qaabka ay gudiga aaska garaadku u qorsheeyeen Munaasabadaasi iyo kaalinta ay ku leedahay Xukuumada Somaliland.