Xukuumadda Somaliland Oo Qorshaynaysa Inay Soo Dhaweyn Culus Borama Ugu Samayso Hoggoomiyihii Ku Hungoobay Awdal Sate
Borama:13-Dec-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland ayaa dedaal weyn ugu jirta sidii Hoggaamiyihii hore ee sheegashada Awdal state oo Toddobaadkan caasimadda Hargeysa soo gaadhay ay soo dhaweyn weyn ugu samayso magaalada Borama oo uu ku sii jeedo.
Sida ay sheegayaan wararka hoose ee soo gaadhay shabakadda qurbejoog.com, waxa socda abaabul iyo dhaqdhaqaaq ballaadhan oo uu gadhwadeen ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Aayar oo isagu markii horeba Rashiid Aw Nuur ku qaabilay magaalada Dubai oo ahayd halkii heshiisku ka dhacay.
Cabdoo aayar ayaa la sheegayaa inuu ku hawlllan yahay sidii bulshada ku dhaqan goboladaasi soo dhaweyn weyn ugu samayn lahaayeen Madaxii hore ee awdal state Rashiid Aw Nuur oo haatan halkaas ku sii jeeda, iyadoo ay halkaas ka jiraan dareen shaki leh oo ay qabaan shacabka reer Borama, maadaama aanay wali caddayn waxa lagula heshiiyey Madaxa sheegay inuu tanaasulay.
Dhallinyaro badan iyo haween ku nool gobolkaas ayaa si weyn ugu diyaargaroobaya inay soo dhaweyn ballaadhan u qabtaan Rashiid Aw Nuur maadaama uu muddo dheer dibad-wareeg ka haa dalkiisa hooyo, iyadoo xukuumadduna arrintaas kharash aad u badan ku bixinaysa.
Rashiid aw nuur oo haweenay la socota ayaa dhawaan soo gaadhay Somaliland, waxana ay sheegeen inay ka tanaasuleen fikirkii soomaliweyn ee ay aaminsanaayeen, waxase aan bulshada loo caddaynin waxa ay kula heshiiyeen Somaliland eek u beddesheen fikirkii ay wakhtiga badan ku soo lumiyeen ee socon waayey.
S.D.N