|

Xukuumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Si Rasmi ah Uga Hortimi Shirka Qaran ee Madasha Wada-tashigu ku Dhawaaqeen inay Qaban Doonaan

Hargeysa:8-sep-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay si cad uga hortimi dhawaaqii ka soo yeedhay madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ee ay ku iclaamiyeen inay Bisha Soo socota ee Otober qaban doonaan shirweyne Qaran.
Wasiirka Wasaaradda  Arrimaha Gudaha somalilanda Cali Maxamed Waran-cadde oo ku Hadlayey afka Xukuumadda  uu ka tirsan yahay, ayaa maalintii shalay si rasmi ah u deedafeeyey shirkaas qaran ee Madasha wada-tashigu hore ugu baaqeen inay dalka ka qaban doonaan.
Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde Magaalada kula hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta dalka, ayaa ugu horrayn sheegay inay xubnaha madasha wada-tashiga ku jira ee ku baaqay shirka qaran yihiin xubno milge iyo maamuus ku dhex leh bulshada, islamarkaana istaahila in la soo dhaweeyo talooyinkooda, “Waxa jira Rag Odayaal ah oo qiimeyn iyo qaddarin naga mudan oo wada-hadal hore iyo wada-tashi noo socday, kuwaas oo maalin dhaweyd warbaahinta ka hadlay oo ku dhawaaqay in la qabanayo shir qaran.
Arrintaa waxan doonayaa inaan kaga jawaabo oo aan sheego maadaama aan qaranka uga wakiil ahay Hawlaha Nabad-gelyada, islamarkaana aan madaxweynaha uga wakiil ahay tabashooyinka Bulshada oo ay waajib I saaran tahay inaan madaxweynaha u gudbiyo” ayuu yidhi Cali maxamed Waran-cadde.
Sidoo kale waxa uu cali farta ku fiiqay inuu wasiir ahaan diyaar u yahay inuu gacantiisa ku dhameeyo oo kaga guddoomo wixii talo ah ee ay xubanaha madashu haatan gacanta ku hayaa, islamarkaana xalkeeda la raadin doono ilaa iyo laga gaadho madaxweynaha, waxana uu yidhi, “Waxan halkan ka caddaynayaa inaan aad u soo dhaweynayo talo kasta iyo Tabasho walba oo a sheeganayaan nimankaas Odayaasha ahi, Al-baabadayduna waa ay u furan yihiin inay yimaaddaan, wixii taageero iyo talo ah ee ay hayaana waanu ka qaadanaynaa, wixii aan xallin karana aniga xallinaya wixii aan xallin kari waayana qarankaan u gudbin doonaa si loo xalliyo.”
Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu si toos ah gaashaanka ugu daruuray inaanay koox gaar ahi xaq u lahayn inay ku dhawaaqaan inay talo qaran qabtaan oo jirto cid sharcigu xaq u siiyey  inay talo qaran qabato, waxana uu yidhi, “Waxanse jecelahay inaan halkan ka sheego, talo qaran Haddii aad maqashaan Qaranku cid buu ku aaminay cid buu ku Aamina umaddan oo xilkeeda haysa, talo qaran-na waxa samayn kara Golayaasha qaranka iyo Golaha Xukuumadda, waana Haddii dhibaato weyni timaaddo Dastuurkaana sidaas qoraya.”
Wasiir Cali waran-cadde oo Hadalkiisa ka dhanka ah Madasha wada-tashiga sii wata, ayaa yidhi, “Ash-khaas Talo qaran qaban kartaa ma jirto, markaa saaxiibaday waxan leeyahay wixii talo iyo tusaalooyin ah diyaar baanu idiin la nahay, wixiise dhaawacaya qaranimadeena ama sharcigeena ka hor imanaya waxan jecelahay idinkuna inaad ka digtoonaataan oo ay Daan dhegaha Bulshadeena iyo dhegaha qarankeena midna aydaan maqashiin”
Mar uu wasiirku ka hadlayey sida uu wasiir ahaan diyaarka ugu yahay inuu qaato talooyinka loo soo jeediyo, waxa uu yidhi, “Xafiiskayga waxan ka hor sameyeey sanduuq  iska daa nin oday ah oo  muxtarim ah oo talo wada’e xataa dadka caadiga ah ee suuqa joogaa ay wixii ay talo hayaan ku ridaan si aanu u ogaanno tabashada hoose ee Bulshada.”
Xukuumadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa haatan dhibaatada ugu weyn ee ka ledi la’dahay ay tahay Isbahaysiga la baxay Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo ku haya cadaadis ba’an oo aanay wali xalkiisa helin, iyadoo ay sii kordhayso xoqidda Madashaasi ku hayaan boogaha xukuumadda oo aan hore loo taaban jirin.
Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha Gudaha  Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa  u muuqda mid uu in badan ka cago-jiidayey  balse haatan lagu dirqiyey inuu jawaab siiyo Madasha maadaama uu yahay wasiirkii amniga dalka masuulka ka ahaa, waxana wasiirka ka muuqatay is dhawrid iyo taxaddar dheeraad ah.
Xukuumadda Somaliland oo caan ku ah inay si isdaba yaac ah ugu jawaabto cidkasta oo hanaankeeda maamul wax ka sheegta, ayaa ka gabbata u jawaabidda Madasha wada-tashiga oo ay ku jiraan rag miisaan leh oo aanay hawl yarayn in jawaab si yar loo siiyaa, waxana ay haatan xukuumadda ku qaadatay inay jawaab bixiso muddo  laba maalmood ah, iyadoo waliba ay wasiirka ka muuqatay inaanu jeclayn jawaab siinta xubnaha wada-tashiga oo  sida uu sheegay uu ixtiraam badan u hayo.
 
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed