|

Xukuumadda Somaliland Oo Mabnuucday inay Madaaradda dalka Adeegsadaan dadka aan sidan Baasaabooro.

Hargaysa 08.Dec 2013 (SDN)- -War ka soo baxay Wasaarada Duulista iyo Hawada kuna Saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradaasi Saddam Maxamed Axmed Ayaa  u dhignaa Sidan;-  “ Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland waxay dhamaan dadweynaha isaga goosha madaarada Somaliland ee ka soo dega ama ka dhoofa ku wargalinaynsaa inay waajib ku tahay inay sitaan baasaabooro sharci ah, si  uu ugu sahlanaado safarkoodu, iyada oo aanu ka codsanayno inay tixgalinayaan una dulqaataan baadhitaana dadweynahaasi lagaga samanayo Madaarada iyo wixii su’aalo ah ee laanta socdaalku ay ugu baahato.

me2Waxaanu dhamaan diyaarahaha ka ganacsada hawadda Somaliland ugu digaynaa inay dalka Soomaaliya ee dariska ah ka soo qaadaan  dad dalkaasi u dhashay ama reer Somaliland ah, oo aan baasaabooro sidan, taasi oo ah mid aan la aqbalo karin, hadii ay dhacda waxa diyaaradaasi laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxana dadkaasi aan sharciga sidan dhamaantood dib loo celindoonaa diyaaradii siday iyo halkii ay ka yimaadeen.

Waxaanu dhinacyada ay khusayso faraynaa inay u hogaansamaan amaradaasi kor ku xusan,  iyadoo wasaaradu hore go’aankan u baahisay, waxaanu mar labaad ku celinayaa Ayaa Warsaxaafadeedku Yidhi in aanay Madaaradda Somaliland ka soo dageyn ama ka dhoofayn cid aan baasaaboor sharciya sidan, marka laga reebo wixii duulimaadyo gudaha Somaliland ah oo ay Muwaadiniinta u banaan tahay inay u kala safraan Madaaradda gudaha iyaga oo aan baasaaboor sidan.”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed