Xukuumadda Somaliland Oo Ka Shakisan Dhaqdhaqaaqyada Suldaan Wabar Ka Wado Gudaha Ethiopia
Qolijeed:Jan,11,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa kalsooni darro badan ka mujinaysa dhaqdhaqaaqyada ay Suldaan Wabar oo dhawaan fallaagoobay iyo koox uu urursaday oo dhallinyaro ahi ka wadaa Gudaha Xadka Ethiopia, iyadoo wararka qaarkoodna sheegayaan in halkaas laga wado tababarka Maleeshiyo Beeleed la ururiyey.
Xukuumaddu waxay waraaqo kala duwan oo ashakato ah u dirtay Dawladda Ethiopia, waxana ay waraaqahaas ku caddaysay shakigeeda arrintaas ku qotoma, balse wali Ethiopia may soo gudbin wax jawaab ah lagu qanci karo, waxana taasi keentay inuu sii kordho warwarka somaliland arrintan ka qabto.
Suldaan Wabar oo dhawaan ku dhawaaqay inuu Dagaal la geli doono Somaliland, ayaa la sheegayaa inuu ku hawllan yahay ururinta maleeshiyo beeleed qabta fikir ka dhan ah Somaliland, waxana wararka qaarkood sheegayaan in dadka reer Miyiga ah ee Halkaas deggen ay xoolo ka urursanayaan.
Lama hubo cidda Maleeshiyadaas Tababarrada siinaysa, waxase loo malaynayaa inay kooxo hore ciidanka qaranka ama midkii soomaaliya uga tirsananaan jirey ay bixinayaan Tababarro qarsoodi ah oo maleeshiyadaas loo fidinayo, waxana arrintaas aan wali xal waara u haynin Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ciidamo geysay Goobo aan sidaas uga fogayn halka Suldaanku ku dhuumaalaysanayo.
Ciianka Halkaas kulaalaya, ayaan wali wax tallaabo ah qaadin, waxana socda oo laga dhursugayaa Iskudayo wax garad iyo odayaal Reer Borama ahi ku doonayaan inay suldaanka Fallaagoobay kusoo ladqabeeyaan balse wali tallaabooyinkaasi ma guulaysan.
Somaliland ayaa wali ku Hawllan sidii ay u heli lahayd tirada sugan ee Suldaanku meeshaas ku hayo iyo waliba Cudduda ay sheeganayaan, waxana la filayaa in Haddii Jawaabta Odayaasha lagu qanci waayo dhawaan Hujuum ciidan lagu ekayn doono wixii ka sokeeye Xadka Ehtiopia inkastoo ay xuduudda ka shisheeyaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com