|

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Nin Sirdoonka Itoobiya Ka Tirsanaa Oo Magaalada Hargeysa Lagu Dilay

Hargeysa,10Dec,2015(QJ/SND)-Wasiir ku xigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye oo wax laga waydiiyey nin ka tirsan ciidamada Itoobiya oo dhawaan la sheegay in Hargeysa lagu dilay ayaa sheegay in dil kaasi uu jiro, isla markaana baadhitaano kala duwan lagu hayo.

Wasiir ku xigeenka oo shalay saxaafadda kula hadlaayey magaalada Hargeysa mar uu ka jawaab bixinaayey warbixin ay soo saareen xarunta xuquuqal iinsaanka ee Somaliland ayaa  la waydiiyay su’aal ahayd “Hargeysa waxaa ka dhacday nin sarkaal ah oo itoobiyaan ah oo sirdoonka qaranka ah in magaaladda Hargeysa lagu dilay dhawaan, sida xogta aanu ku helayno koonfurta magaaladda, Hargeysa oo ay wefti wasiiro Itoobiyaan ahi hadda magaaladda ku sugan yihiin horena ay u yimaadeen, dhacdadaa ka dhacday gudaha dalka wasaaradda arrimaha guduhu wali kamay hadal ninkaasi inuu sirdoonka Itoobiya ka mid ahaa, ONLF-na Hargeysa ay ku dishay sida xogta dadweynaha uga soo baxayso, maxaad arrintaas xog ka haysaan ka wasaarad ahaan?

“Arrintaasi waa arrin gacanta lagu hayo oo wuu jiraa ninkaa la dilay. Cidii dishayna waa la hayaa tiroba dad badan ayaa loo hayaa. Arrintaasi waxay maraysaa wadadeeda iyo baadhisteedii ayaa ku jirta oo wax cadaymo lagu hayaana way jirtaa wax tuhun lagu hayaana way jiraan” ayuu yidhi wasiir xigeenku

Wasiirka oo wax laga waydiiyey in magaaladda Hargeysa kooxo kale oo aan asal ahaan ka soo jeedin Somaliland inay falal dilal ah ka gaysan karaan ayaa sheegay inay dhici karto, isla markaana ku dooday inay ka dhacdo wadamada kale ee adduunka, waxaanu Weriye Cabdiraxiin mar kale waydiiyey : Markaa ONLF waxbay ka gaysan karaan ayaa la odhan karaa saw maaha Hargeysa gudaheeda?

“ONLF, Al-Shabaab iyo inkaar oodhami way ka gaysan karaan, oo ninka dambiga samaynayaa dal kasta ayuu ka gaysan karaa, Addis Ababa ayuu ku gaysan karaa, New York ayuu ka gaysan karaa Hargeysana wuu ka gaysan karaa” ayuu ku dooday wasiirku

Qurbejoog; Hargeysa Office

Comments are closed