|

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay In Midowga Yurub Xidhay Xafiiskii Uu Hargeysa Ku Lahaa

Hargeysa 04.Aug 2015 (SDN/QJ) Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Xukuumadd ahaan aanu Midowga Yurub ku soo wargelin in la xidhayo shaqada uu qabto xafiiska ay ku leeyihiin Caasimada Hargeysa, waxaanu tilmaamay in arrintaasi la xidhiidho shaqaalaha oo ay dhimayaan iyo in kharashaadka hoos loo dhigayo.

yoonisMaxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kale oo uu sheegay in aanu wakhtigan hoos u dhicin xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo beesha caalamka, islamarkaana ay dalka yimaadaan wufuud danaynaya horumarka iyo xasiloonida dalka ka jirta.

“Waxa na soo gaadhay wallow wax warqad oo noo timid aanay jirin oo aanan warkaasi xaqiijin karin oo wax qoraal ahi nooga iman, hase yeeshee waxay ku tallo jiraan sida aanu maqalnay inay khafiifiyaan oo ay shaqaalaha dhimaan oo ay meel kale u guuraan si ay kharashkooda iyo lacagtooda u yareeyaan, qaadiyaduna waxay ku salaysan tahay iyaga oo doonaya in xaga lacagta ku sababaynaya in hoos loo yara dhimo, weli arrintaa nalamay soo socodsiin, wadahadalay nala yeelan doonaan markay arrintaa nala soo socodsiiyaan, waxaanan ku tallo jirnaa in aanu u bandhigno in loo baahan in xafiisku sidiisa ahaado. Sidaad ula socotaan imika qofka ka shaqeeyaa waa Ajnabi oo dadka intooda kale waa shaqaale, markaa waxay leeyihiin shaqaaluhu wey sii joogayaan, laakiin arrintaa nalamay soo socodsiin hase yeeshe waxaanu ku tallo jirnaa in aanu arrintaa ka hortagno oo aanu ku dedaalno inay joogaan oo aan xafiiska la xidhin.” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis

Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis waxa uu intaas ku daray “Xafiisku muddo badan buu dalka ka jiray, waad la socotaan in Midowga Yurub iyo dawlada Somaliland in cilaaqaad badani ka dhexeeyo, waxa weeyaan hay’adda wax tar badan inoo leh oo mashaariic badan bay dalkeena ka qabtaan, waana xafiis cilaaqaad badan la leenahay oo mashaariic badan dalka ka wada.”

Comments are closed