|

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Askari Shalay Toogasho Ku Laayey Laba Askari Oo ay Isku Ciidan ahaayeen

Hargeysa:April,06,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka Hadashay Dil toogasho ahaa oo shalay uu askari cidanka qaranka katirsan u geystay  Askar ay  ka wada tirsanaayeen Guutooyinka Deggen Deegaanka Gambadha ee Gobolka Sool.

iorWasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa maanta Arrintan ka Hadlay, ayaa ku tilmaamay mid ayaandarro ah, isla-markaana aan la aqbali Karin, waxana uu xusay inay jawaabteeda bixin doonaan.

Wasiir Cadami oo saxaafadda Kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in dadkii ku hawllanaa difaaca dalku ay iyagu is ugaadhsadaan, waxana uu arrintaas ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin,

“Waxaan Jeclahay in aan kalmad ka idhaado DHacdooyin is dabo joog ah oo runtii ina dhaxalsiisay Geeri aad u fool xun oo dadkii joogay difaaca dalka ee u halgamaayay in ay inaga hor jogaan cidkasta oo cadow ku ah Somaliland, oo heeganka ku jiray in ay iyagu isku gudo Noqdaan waa nasiib daro. waa caado aan jiri jirin oo inagu cusub. Anaguna aad ayaanu uga xunahay dadka qofkii ugu dhawaa ee nafta iyo dhiigaba la qaybsanayay gacantu kaga dhacday  waxaanu u diraynaa tacsi umadii , qaraabadii iyo qarankii ay ka baxeenba madaama ay ahayeen mujaahidiinta safka hore ku jiray insh allah abaalkii ay umadan iyo qarankanba u galeen Illahay ayaa xagisa ka helayaan” ayuu yidhi Wasiir Cadami.

Wasiir Cadami waxa uu tilmaamay in maxkamadaha ciidamada qaranku si degdeg ah arrintaas uga Hawlgeli doonaan, isla-markaana ay kasoo saari doonaan Go’aan lagu abaalmarin doono ciddii falkaas geysatay, waxana uu yidhi,  “waxa lugu jiraa in Maxkamada Ciidanka Qaranku ay Baxdo oo goobahii dhacdooyinka foosha xumi ka dhaceen ay tagto oo ay dacwada halkaas ku qaado oo Qisaastu Halkaas ku fusho hadii ninkii ciidanku dalka iyo saaxiibkiiba aaminay uu isagii ku soo hoos Noqday waxa saamax ah oo dhici donaa ma jiro Maxkamadiina imikaanu wada fadhinay goobihii ay shilalku ka dhaceen ayaa istaagi doonaan”

Hadalka wasiir Cadami ayaa ka dambeeyey markii uu maalintii shalay Askari katirsan Ciidanka qaranka jiidda Gambadha uu qudha ka jaray laba askari oo ay shaqo ku wada jireen, waxana la sheegayaa in gacan-ku-dhiiglahaas ay ciidanku gacanta ku dhigeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed