Xukuumadda Somaliland oo Jawaab ka Bixin weyday Dagaal ay Ciidanka Ilaaladda Bada Jabuuti ku Soo Qaadeen Xeebta Gobolka Salal oo Khasaare dhimasho Sababay
Hargaysa 15.March 2016 (SDN/QJ):-Dagaal khasaare nafeed sababay oo u dhexeeya ciidamada badda ee Somaliland iyo kuwa Djibouti ayaa ka dhacay Xeebta Saylac ee gudaha Somaliland.
Dagaalkan waxa sababay ka dib markii Markab laga leeyahay dalka Masar oo ruqsad Kalluumaysi ka haysta Somaliland ay soo weerareen ciidamada badda ee Djibouti, waxaana iska caabbiyey Ciidamo kuwa ilaalada Xeebaha Somaliland ah oo Markabka la socday.
Dagaalkaas, ayaa waxa Ciidamada ilaalada Badda ee Somaliland kaga dhintay Hal Askari oo lagu Magacaabi jiray Dheeg Cali Cismaan, waxaana dhaawacmay Hal Askari iyo Kaptankii Markabka Kalluumaysi oo u dhashay Dalka Masar.
Taliyaha Ciidanka xeebaha Saldhiga Galbeedka Somaliland Maxamed Yuusuf Otor ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada badda ee Djibouti soo galeen gudaha Somaliland isla markaan dagaalku ka dhacay biyaha Somaliland gudeheeeda, laakiin Ciidamada Badda Somaliland ee markabka la socday difaac kala hor-tageen.
Askarigan dhintay, ayaa ka mid ahaa ilaalada Markabkan laga leeyahay dalka Masar oo Somaliland ruqsad Kalluumaysi siisay.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Somaliland Farxaan Xasan Cabdi ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada badda ee Jabuuti ay ka soo gudbeen xadka biyaha u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti, kadibna ay rasaas ku fureen Markab laga leeyahay dalka Masar oo ka kalluumaysanayay badda dhinaca Somaliland.
Xukuumadda Somaliland Iyo Xisbiyada Siyaasada ayaan Midkoodna ka hadal dhacdadaas,Maadaama lagu soo Xadgudbay Xadka Biyaha u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti Isla markaana uu dagaalku ka dhacay Gudaha Somaliland Waxaana rayul caamku arrintan u arkaa in Madaxda Sare ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiyada Siyaasaduba ay u eexaysanayaan dano ay ka leeyihiin dalka Jabuuti Iyadoo inta badan Madaxda Somaliland ay qaataan Baasaboorka dalka Jabuuti.
Dhanka Kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka badda ee uu ka baxay Marxuum Sarkaal Dheeg Cali Cismaan oo shalay ku geeriyooday hawlgal qaran oo ka dhacay jasiirada Ceebaad.
Madaxweyne ku xigeenku wuxuu si gaara u tacsiyadaynayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu caafimaad sareecana Illaahay uga baryey Askarigii ku dhaawacmay hawlgalkaa qaran ee shalay ka dhacay xeebta galbeed.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada qaranka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu cambaareeyey dilkii shalay ka dhacay magaalada Burco ee lagu dilay Marxuum Yuusuf Muuse Cawil oo gacan ka gardarani dishay, taas oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado, tacsina waxa uu u diray Madaxweyne ku xigeenku qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu bogaadiyey ciidamada amniga ee gobolka togdheer oo si degdeg ah markiiba gacanta ugu soo dhigay kooxdii gacan ku dhiiglayaasha ahayd ee dishay marxuumka. kuwaas oo isku deyey inay baxsadaan balse dedaalka ciidanka awgii aanay u suurobin inay fakadaan.
Waxaanu boogaadin taa la mida u dirayaa maamulka gobolka togdheer ee waajibkooda qaran gutay, soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha oo cadayn u ah in aan cidina ka carari karin gacanta amniga dalka, sharcigana lala tiigsan doono cidka kasta oo qaranka danbi ka gashay.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN