|

Xukuumadda Somaliland oo Guddida Doorashooyinka Qaranka Ku Wareejisay Milyan Iyo Laba Boqol oo Kun oo Dollar DAAWO

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Ku Wareejisay Lacag dhan Milyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Dollar taas oo Loogu talo galay in Komiishanku ku fuliyaan Hawlgalka qaadashada Kaadhka Codbixiyaha.

“Maanta waxa halkan iskugu yimid wasiirka madaxtooyada, xisaabiyaha guud, agaasimaha guud ee baanka iyo guddida doorashooyinka qaranka, waxaanan halkan ku bixinaynaa lacagtii kaashka ahayd ee doorashada taas oo dhan $1,200,000 (Hal Milyan Iyo Laba Boqol oo kun Oo Doolar) oo aanu hadalna ka iman, waxaana halkan jooga Baanka oo xaqiijinaya in lacagta Acount-ka loogu shubo guddida doorashada iyo xisaabiyaha guud oo soo diyaariyey lacagtii.” Wasiirka Maaliyada Jam. Somaliland. Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Comments are closed