Xukuumadda Somaliland Oo Doonaysa In Dib Loo Bilaabo Wada Hadalladii Burburay Ee Soomaaliya
Ankara, 25 April, 2016-(SDN/QJ):– Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay Madaxda Wasaaradda Khaarajiga ee Turkiga kala hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Somalia gogol xaadhna loogu samayn lahaa.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu sheegay inay Wasaaradda Khaarajiga dalka Turkiga kala hadleen xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Turkiga sidii loo sii xoojin lahaa.
“Aniga (Wasiirka Madaxtooyada Md Maxamuud Xaashi) iyo Wasiir Sacad waxaanu ka soo laabanay Waddanka Turkiga, halkaas oo aan kula Kulanay Madaxda Wasaaradda khaarajiga oo aanu kala hadalnay sidii xidhiidhka labada dhinac kor loogu qaadi lahaa, sidoo kalena dib loogu bilaabi lahaa Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya gogol xaadhna loogu samayn lahaa wadahadaladaasi” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi, oo Qoraalkan ku baahiyey Facebook, waxaanu intaa ku daray, “Wax kale oo aanu la kulanay masuuliyiinta Xafiiska xidhiidhka iyo mucaawinooyinka ee Tikka, madaxda Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, kuwaas oo aanu kala hadlay xaaladda Abaaraha dalka ka jira iyo gurmadka walaalnimo ee aynu uga baahan nahay.”
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa hadalkan ka soo saaray Magaalada Addis Ababa oo ay ku sugan yihiin isaga iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka soo laabtay Safarkii Turkiga. Waxaana labadooda iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo halkaa kaga sii horeeyay ka qayb-galeen Xus loo sameeyay 90 Guurada Dhalashada Boqorradda Ingiriiska.