|

Xukuumadda Somaliland oo Dhakhaatiir Ajaanibi ah Gaysay Degmada Qolujeed ee Gobolka Awdal

Qulujeed 22.May 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland Somaliland oo kaashanaysa Hay’ado kala duwan, ayaa deeganka Quljeed ee Galbeedka Gobolka Awdal, gaar ahaan dhinac xadka ay somaliland la wadaagto Dalka Itoobiya geysay Dhakhaatiir Ajaanid ah oo deegaankaasi ka fulin dona adeegyo Caafimaad oo bilaash ah. 


saraakiisha caafimaadka

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil iyo Badhaabka Gobolka Awdal, ayaa  magaaladda Quljeed ee Galbeedka goboka Awdal geeyey dhakhaatiir ajaanid ah oo adeegyo caafimaad ka fulinaya halkaasi, kuwaas oo ay sheegeen inay dhamaan gobolada dalka wada mari doonaan kana fulin doonaan adeeg caafimaad oo bilaash ah.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan adeegga caafimaad ee la siinayo, waxaanuu yidhi “Waa Dhakhaatiir doonaya inay hawlo caafimaad ka fuliyaan degaanka Quljeed, waxaana weeyaan mid inoo noqonaysa tijaabo wanaagsan oo haddii ay hagaagto keenay in illaa dhakhtarkii sidii aynu u dhisan lahayn iyo sidii aynu Ambilaaskii u heli lahayn, bulshada waxaan u soo jeedinayaa inay ka faa’iidaystaan” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax 

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa  faah faahin ka bixiyey dhakhaatiirtan iyo waxa ay qaban doonaan, waxanuu sheegay in ay degmada quljeed nasiib u heshay inay geeyaan dhakhaatiir adeegyo caafimaad oo bilaash ah siinaya, waxaanuu yidhi “Dhakhaatiirtani waxa ay ka kala yimaadeen waddamo kala duwan oo caalmka ah, qaar ingiriiska ayey ka yimaadeen, waar Cnada ayey ka yimaadeen iyo qaar ka yimid waddamo kale, waxaanay mari doonaan gobolada dalka oo dhan, balse Quljeed waxa ay nasiib u heshay inay noqoto tii ugu horraysay, Waxaanay bixin doonaan adeegyo caafimaad oo bilaash ah iyo dawooyin bilaash ah oo ay bixin doonaan, waxaanan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee door biday inay tahay siyaasadda caafimaadka inaanu ka hir gelino meelaha fog fog, hay’adda mashruuca nala waddana waxa la yidhaahdaa Trobo Doc, waxaana la socota qolo kale oo la yidhaahdo Shifat oo aanu xidhiidh lahayn, Wasaaradda caafimaadkuna qayb ayey ka tahay mashruucan”

Sarkaal ka socday Hay’adda Shifat ee wasaaradda caafimaadka la wadda mashruucan oo isaguna halkasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay dhakhaatiirtani mari doonaan dhamaan gobolada dalka oo dhan oo ay fulin doonaan adeeg caafimaad oo bilaash ah, isla markaana ay wasaaradda caafimaadku ka codsatay inay ugu horaysiiyaan degmada quljeed ee galbeedka gobolka Awdal.

Qulujeed SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed